|

Raysal Wasaaraha Somalia,Xubno ka Mid ah Golihiisa Wasiiradda & Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Somalia oo Booqasho ugu Tagay Fannaaniin & Abwaano Muqdisho Ku Xannuunsanaya

Muqdisho 26. March 2017 (SDN/QJ):- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golahiisa magaacaban ee wasiiradda ayaa ugu horayn booqday fananada wayn ee Soomaaliyed Saynab Xaaji Cali Baxsan oo ka mid ah fanaaniinta hoboladda Qaranka Waaberi oo qaliin loogu sameeyay xameetidda taas oo ku jirta Isbitaal ku yaalla magaaladda Muqdisho.

Xasan Cali Kheyre ayaa fanaanada Seynab Xaaji Cali Baxsan iyo Dhakhtarka qaliinka ku sameeyey ka wareystay xaaladeeda Caafimaad, isagoo xusay in ujeedada uu ugu yimid ay tahay inuu la qaybsato xanuunka maadaama ay tahay fanaanad Qaran oo dalkaan horumarkiis qayb wayn ku leh, waxaa uu u rajeeyey caafimaad deg deg ah in alle siiyo.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, guddooomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaaji Cabdullahi , Ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo xubno ka tirsan golaha wasiiradda magacaban ayaa Isbitaalka Erdogan Ex. Digfeer ku booqaday bukaano ay ka mid yihiin sii hayaha xilka wasiirka dekadaha iyo gadiidka badda, Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise Sangub, film qaade Cabdixamiid Karazay oo ka tirsan Tv-ga Universal iyo bukaano kale.

Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre oo warbaahinta qaranka kula hadlay Isbitaalka Erdogan ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay is taageeraan una duceeyey inta xanuunsan in alle ka dulqaado xanuunka haya.

Comments are closed