|

Raysalwasaaraha Soomaaliya oo safarkii ugu horeeyay dibadda ugu baxay

Muqdisho 26 Aug, 2022 (QJ)- Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaralka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goordhawayd  ka duulay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyaga  oo u duulay dhanka waddanka Tunisia.

Raysal Wasaaraha iyo Wafidgiisa ayaa la sheegay in magaalada Tunis ee Caasimadda dalka Tunisia iney kaga  qaybgali doonan shirka Caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Africa ee TICAD.
Socdaalka Raysal wasaare Xamse ee dalka Tunisia waxaa qeyb ka ah qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana wafdiga Raysal wasaaraha kasii sagootiyey garoonka Aadan Cadde mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya.

Raysal wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yahiin magaalada Tunis waxaa lagu wadaa inuu kulamo duceedyo la qaadan doonaan qaar ka mid ah Madaxda ka qeyb galeysa shirka horumarinta qaaradda Africa, isagoo kala hadli doona arrimo muhiim u ah dalka Soomaaliya.

Safarka uu Maanta ugu ambabaxay dalka Tunisia Raysal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa noqonaya safarkiisii ugu horeeyay oo uu ku tago dalka dibadiisa, tan iyo markii xilka Raysal wasaaranimo loo magacaabay, xili shalay safarkiisii ugu horeeyay ee dalka gudahiisa ah uu ku tagay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Comments are closed