|

Ruushka oo Qaramadda Midoobay u Gudbiyey Macluumaad Ku Saabsan Gantaalkii ay Todobaadkii Hore Kuuriyadda Waqooyi Tijaabisay

New York 11. July 2017 (SDN/QJ):- War Ka Soo Baxay Qaramada Midoobay Ayaa Sheegaya In Dalka Ruushku U Gudbiyey Golaha Amaanka Cadeymo Muujinaya In Gantaalkii Ugu Danbeeyey Ee Ay Tijaabisay Kuuriyada Woqooyi Uu Ahaa Nooca Ridada Dhexe Balse Aanu Ahayn Kuwa Qaaradaha Isaga Gudba.

Macluumadkan Dalka Ruushku Golaha Amaanka U Gudbiyey Ayaa Soo Baxay Ka Dib Markii Ay Safiirka Maraykanka U Fadhida Qaramada Midoobay Ay Ka Sheegtey Fadhi Uu Yeeshay Golaha Amanku In Dalkeedu Uu Diyaar U Yahay Inuu La Wadaagi Doono Sirdoonka Dalka Ruushka Sidii Loo Sugi Lahaa Macluumaadka Ku Saabsabn Gantaalka Kuuriyada Woqooyi Ay Tijaabisay Inuu Ahaa Nooca Qaaradaha Isaga Gudba.

 

Hadalkan Safiirka Marayanka U Fadhida Qaramaa Midoobay Waxa Lagu Tilmaamay Inay Jawaab Uga Dhigaysay Wakiilka Dalka Ruushka U Fdhiya Q/Midoobay Oo Fadhigaa Golaha Amaanka Isna Ka Sheegay In Gantaalka Kuuriyadda Woqooyi Tijaabisay Looga Baahan Yahay In Xaquuq Raadin Iyo Baadhitaan Dheeraad Ah Lagu Sameeyo.

Comments are closed