|

Ruushka Oo Sameeyey Diyaarad Loogu Talo Galay Xaaladaha Deg Dega Ah

Moscow 24. June 2017 (SDN/QJ):- Khubarada hawada ee wadankaasi Ruushka ayaa sameeyey diyaarad loo isticmaali doono xaaladaha deg dega ah, taas oo ah diyaarad weyn oo qaadi karta waxyaalo kala duwan, waxaanay diyaaradani awood u lee dahay inay dhulka iyo biyahaba ka duusho kuna soo degto.

Diyaaradan waxa kaalinta ugu weyn ka qaadatay wasaaradda  xaalada deg dega ah ee wadankaasi Ruushka oo iyadu lahayd fikirka lagu sameeyey diyaaradan, iyada oo lagu sameeyey wershadda diyaaraddaha ee ku taala magaalada  Taganrog .

Waxaanay arrintani daba socotay heshiis wasaaradaasi iyo wershaddaasi wada galeen sannadkii 2011-kii , kaas oo dhigaayey inay sameeyaan ilaa 12 diyaaradood oo noocan ah.

Wasaaradda ayaa daaha ka rogtay diyaaraddii ugu horeysay bishii January, inkasta oo ay waqtigaasi ahayd mid dhismeheedu socday, waxaana hadda la dhameeyey diyaaradaasi iyo laba kale oo dheeraad ah, iyaga oo hawl geli doona badhtamaha sannadkan.

Diyaaradan ayaa qaadi karta culays dhan ilaa 42 tan oo culays ah, waxa kale oo ay la saari karo haddii loo baahdo ilaa 12 tan oo kale oo culayskaasi ah, iyada oo xawaaraheeda ugu dheeri noqon doono ilaa 710 km/saacadiiba, waxaanay duuli karaysaa masaafo dhan ilaa 3600 km.

Diyaaradda ayaa sida lagu daabacay wargeyska Dialy Mail oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan fadhiisan karta kana duuli karta biyaha dushooda, iyada oo jooga sare u kici karta masaajo dhan ilaa 1.2 m, waxaana raci kara dad dhan ilaa 30 qof.

Diyaaradan waxa loo sameeyey si ay u qaado waxyaalaha lagu badbaadinaayo dadka  dhibaatooyinku soo gaadhaan, gaar ahaan shacabka iyo ciidamadaba.

Comments are closed