|

Sababta Rasmiga ah ee Madaxweynaha Somalia Farmaajo Xilkii Maanta uga Qaaday Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Nuxurka Qoraalo ay Is dhaafsadeen Kaas oo Gaadhay Baarlamaanka iyo Odayaasha Dhaqanka ee Muqdisho AKHRI

Muqdisho 21. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xilka gudoomiyaha gobolka Banaadir u magacaabay Cabdiraxmaan Cismaan Cumar (Injineer Yariisow), kaas oo badeli doona gudoomiye Taabit Cabdi Maxamed oo xilkan hayay.

Dhowrkii maalmood ee u dambeeyey waxaa aad u soo xoogaysanayey inuu jiro khilaaf u dhaxeeya guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhinac ah iyo madaxda dawladda Soomaaliya.

Khilaafka ayaa la rumaysan yahay inuu dibadda u soo baxay wixii ka dambeeyey subaxnimadii Jimcaha, markaasoo qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha lagu shaaciyey in aan “dhulka dowladda la hibeyn karin, la bixin karin, lana wareejin karin”.

Qoraalkaas waxaa lagu sii daray “Iyada oo la ilaalinayo hantida qaranka ee dhul, cir iyo bad waxaan u sheegayaa shacabka Soomaaliyeed in wixii dhul ah ee la iibiyay ama la hibeeyay ama la kireeyay kaddib 8-dii Febraayo, 2017 uusan haysan ogolaansho sharci ah. Haddii uu jiro [ay jiraan] muwaadiniin iibsad[t]ay ama kireystay dhul danta guud, waxaan u sheegayaa in iibsigaas uu yahay mid sharci darro ah.”

Haddaba gobolka banaadir ayaa isna qoraal soo saaray uu kaga jawaabayo kan ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

Dulucda qoraalka ayaa ah in aysan jirin dhul ay wasaarad leedahay oo gobolka Banaadir iyo dawladda hoose ee xamar ay bixiyeen.

Waxaa kale oo qoraalkaas ku qoran in aysan xafiiska madaxweynaha ka soo gaarin fasax bixin dhul dan guud ah, dawladda hoose ee Muqdishana aysan samayn wax takri fal ah.

Qoraallada la is dhaafsaday ka sokow, guddoomiyaha gobolka Banaadir, Taabit Cabdi Maxamed, wuxuu aad ugu ololaynayey in la qabto shir looga hadlo maqaamka caasimadda, kaasoo ay ku taageersanaayeen beelaha u badan Muqdisho qaarkood.

Ugu yaraan mar ayaa la hubaa in uu shirkaas baaqday, sababo loo malayanayo in ay la xiriiraan wadatashiyada qabsoomidiisa oo aan la isku af garan.

Waa halkaas meesha dadka arrintan u dhuun-daloola ay rumaysan yihiin inay sartu ka quruntay, oo lagu kala booday.

Waxaa kale oo lagu kala boodsanaa qorshe uu waday Mudane Taabit kaasoo uu ku doonayey in amniga caasimadda la hoos keeno maamulka gobolka Banaadir.

Maalmihii u dambeeyey waxaa socday shirar is daba joog ah, kuwaasoo ay yeelanayeen odayaal beesha uu guddoomiyaha gobolka ka soo jeedo ka tirsan oo dhinac ah, iyo kulammo iyaguna ka dhacayey madaxtooyada Soomaaliya.

Oday dhaqameedyada shirayey qoraalka hoose ayey soo saareen:

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isna arrintan ka soo saaray qoraal uu ku caddaynayo in isaga oo qura uu guddoomin karo, go’aanna ka gaari karo maqaamka caasimadda, dhanka kalena wuxuu baarlamaanka ku baaqay in laga fogaado wixii keenaya xasilooni darro siyaasadeed.

Haddaba khilaafkaasi ayaa hadda waji hor leh galay, oo waxaa xilka gudoomiyaha gobolka Banaadir loo magacaabay, Cabdiraxmaan Cismaan Cumar (Injineer Yariisow).

Iyadoo guddoomiye Taabit Cabdi Maxamed uu u muuqdo inuu xilkiisii ku waayay isqabqabsigan taagan.

Comments are closed