|

SAFIIRKA JABUUTI: Shacabka ku nool degmada Beledweyne Marxalad Adag ayay ku sugan yihiin

Muqdisho,26,5,2016 (QJ/SDN) – Danjiraha Jabuuti u jooga Somalia Dayib Dubad Rooble oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda Jabuuti si dhaw ula socto xaalada adag oo ay wajahayaan shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne.

Safiirka, ayaa sheegay in Dowladda Jabuuti si dhab ah isku bar bartaagi doonaan Shacabka dhibaateysan, isaga oo intaa ku darray in gargaarkii ugu horeeyay soo gaarsiiyeen.

“Gar-gaarka aan hadda soo gaarsiinay waxaa ka mid ah Bustooyin, Barakaneeco, iyo Agab kale, kaalmo intaa ka badna waxaa inoo qorsheysan in aan la soo gaarno” ayuu yiri Safiirka Jabuuti Dayib Dubad Rooble.

Ummadda Soomaaliyeed, ayuu ugu baaqay in si gaar ah loo soo eego xaalada ay ku sugan yihiin shacabka ku nool magaalada Beledweyne oo ay saameyn adag ku yeesheen dagaallo iyo fatahaad uu geystay wabiga shabeelle.

Ugu dabmeyn, Maalintii shalay ayeey aheyd markii magaalada Beledweyne ay soo gaareen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumada Soomaaliya oo qiimeynaya xaalada ka jirta magaalada, inkastoo wafdiga aysan soo dhaafin xarunta AMISOM ee duleedka magaalada.

Comments are closed