|

Madaxweyne Xasan oo ka Gudoomay Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub ee Uganda

SAFIR

Muqdisho, 26,5,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta ka Guddoomay Warqadihii Aqoonsiga danjiraha cusub ee Uganda, Prof Sam Tulya Muhika.

Xasan Sheekh ayaa danjiraha u xaqiijiyay inay dowladda Somalia si buuxda ugala shaqeyn doonto Danjiraha, una fududeyn doonto gudashadiisa waajibkiisa danjirenimo inta uu xilka hayo.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Safiirka, ayaa ka Wada-hadlay Xoojinta iyo is-kaashiga labada waddan, gaar ahaan dhinacyada Tababarka ciidamada, shaqaalaha rayidka, dhaqaalaha, Arrimaha bulshada iyo Waxbarashada.

Wuxuu kaloo, madaxweyne Xasan ka Codsaday Danjiraha Uganda ee Somalia inuu Salaan iyo Mahad-celin ka Gaarsiiyo Madaxweynaha Dalka Uganda, Yoweri Kagute Museveni oo dhawaan xilka dib loogu doortay.

Dhanka kale, Safiirka Uganda Prof Sam Muhika, ayaa isna sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu Waddankiisa Wakiil uga noqdo Somalia, isagoo ballan-qaaday inuu ka shaqeyn doono Wada-shaqeynta labada Waddan ee Somalia iyo Uganda.

Ugu dambeyn, Kulankan Waxaa Goob-joog ka ahaa Mas’uuliyiin ka socday Xukuumadaha Soomaaliya iyo Uganda. Iyadoo Safiifka Xilli hore loosoo magacaabay inuu dalkiisa wakiil uga noqdo Soomaaliya.

Comments are closed