|

SAWIRRO: Hoodo Ayaan Suldaan Faarax Oo Ka Mid Ah Dhalinyarada Firfircoon Ee Somaliland Oo La Guddoonsiiyay Gaadhi

Hargeysa,20,6,2016 (QJ/SDN) – Maayirka Magaalo Madaxda gobolka Togdheer ee Burco Ayaa maanta si rasmiya ugu wareejiyey Gaadhi nooca raaxada ah oo xalay uu munaasibada ka dhacday Hotel Safaari ee Hargaysa Kaga balan qaaday.

Gaadhigan oo noociisu yahay Toyota Verosa Ayaa maanta Wareejintiisu ka dhacday barxada hore ee wasaarada arrimaha gudaha Somaliland iyada oo munaasibada wareejinta gaadhigan oo ay mulkiyadiisa la wareegaysay Hoodo Ayaan Suldaan Aadan Faarax ay Kasoo Qayb Galeen Badhasaabka Gobolka Togdheer, Maayirka Magaalada Burco, Xoghayaha Dawlada Hoose ee Hargeysa, Xoghayaha Golaha Wasiirada, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland.

Masuuliyiintan ayaa dhamaantoodba waxay sheegeen inay muhiim tahay in dhalinyarada la dhiiri galiyo si ay u qabtaan waxyaabaha ay sida mutadawacnimada ah ee waddankooda ay u qabtaan.

Waxaana ay aad u amaaneen maayirka Burco oo ay tilmaameen inuu yahay shakhsi ku suntan dhiiri galinta dhalinyarada dalka.

Dhinaca kale, Hoodo Ayaan Suldaan Aadan Faarax ayaa iyana ka hadashay Dareenkeeda iyadoo fariin U dirtay dhalinyarada Somaliland.

Comments are closed