|

SAWIRRO: Madaxweyne Geelle oo kulan saacado socday la qaatay Shaqaalaha Dowladda Jabuuti

Jabuuti (QJ/SDN) – Iyadoo Jabuuti ay ka socdaan ololaha Doorashooyinka Xisbiyada aqlabiyadda dalkaas iyo Axsaabta Mucaaradka ah ay ku doonayaan inay ugu tar-tamaan doorashada madaxnimo ee bisha soo socoda ka dhici doonta dalkaas, ayaa wuxuuu madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ahna Murashaxa xisbiga UMP la kulmay shaqaalaha Jamhuuriyadda Jabuuti.

J3

Kulan uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle la qaatay shaqaalaha dowladda ayaa waxaa shir-guddoominayay Guddoomiyaha Ganacsatada Jabuuti, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Madaxweyne Geelle.

Sidoo kale, intuu kulanky socday ayaa waxay shaqaaluhu su’aalo kala duwan oo la xiriira hurumarinta shaqaalaha iyo xuquuqdooda waxay weydiiyeen madaxweyne Geelle oo ah murashax u taagan doorashada madaxnimo ee Jabuuti.

Musharaxa Xisbiga talada haya ee UMP ayaa shaqaalaha uga jawaabay dhamaan su’aalihii ay weydiiyeen intii uu kulankoodu socday, isagoo sheegay inuu ku dadaali doono ilaalinta xaquuqda shaqaalaha Dowladda – haddii uu kusoo baxo madaxweynaha soo socda ee dalka Jabuuti.

Ugu dambeyn, Kulan iyo isku-soo-baxayada Madaxweyne Geelle ayaa qayb ka ah ololaha doorashada Jamhuuriyadda Jabuuti, Mucaaradka USN & Xisbiga aqlabiyada Jabuuti, ayaa wada olole ku aadfan sidii mid walbaahi uu ugu soo bixi lahaa jagada madaxweynaha.

J1J2

 

 

 

Comments are closed