|

SAWIRRO: Maroodigii Ka Qaxay Colaada Soomaaliya Oo Dib Usoo Laabtay

Muqdisho (SDN) – Maroodigan oo lagu Magacaabo Morgan ayaa dalka Soomaaliya ka qaxay 1991-kii, waxaana uu dib u soo laabtay isagoo 30 sano jir ah oo xusuusanaya wadadii uu maray xilli uu yaraa.

Morgan ayay 3-todobaad ku qaadatay inuu dib ugu soo laabto Somalia, sida ay shaacisay Hay’adda dalka Kenya u qaabilsan duur-joogta oo dusha kala soccotay safarkiisa.

Maroodigan ayaa ka soo gudbay deegaan xeebeedka dalka Kenya ee Lamu, waxaana uu soo galay xuduuda Gobalka Jubadda hoose ee dalka Soomaaliya.

Wakaalada wararka ee AP ayaa warbixin quto dheer ka samaysay dib usoo laabashada maroodigan lagu magacaabo Morgan. Halkan Guji Oo Ka Akhriso Warbixinta AP

m2 m3 m4

Comments are closed