|

SAWIRRO: Munaasibad Ballaadhan Oo Lagu Taageerayo Murashax Maxamed Xassan Finad Oo Xalay Lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Hargeysa, 16,4,2016 (QJ/SDN – Xaflad ballaadhan oo habeenkii xalay ahaa ka qabsoontay magaalada Hargeysa gaar ahaan Hotel Star ayaa waxa iskugu yimid dhalinyarada Taageerayaasha u ah Murashax Dr.Maxamed Xassan Xaashi [Finad] oo ka mid ah murashaxiinta u taagan doorashada aqalka baarlamaanka ee Somaliland.

Munaasibaddan oo ahayd mid si wayn loo soo agaasimay isla markaana ay iskugu yimaadeen dhalinyarada taageerayaasha u murashax Maxamed Xasan Finad ayaa waxa kasoo qayb-galay, Aqoonyahanno, Cuqaal iyo weliba qaybaha kala duwan ee bulshada, iyadoona munaasibaddaasi ay ahayd mid si wayn loo soo agaasimay.

Haddaba, Ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah dhalinyaradii kulankani soo qaban-qaabisay, iyagoona ka warramay marxaladihii iyo qaabkii ay ugu suurtagashay in uu kulankani caawa (xalay) u qabsoomo, isla markaana ay soo bandhigaan cududooda taageero ee Murashax Maxamed Xasan Finad,

Waxa halkaasi ka hadlay, aqooyahanno ay ugu horreeyaan Prof. Kayse Cali Geedi, Deeq Ismaaciil Caalin iyo Garyaqaan Maxamed Geel-jira, iyagoona aqoonyahannadu ay iska daba mareen qaabkii looga hawl-gali lahaa in Murashax Maxamed Xasan Finad uu kusoo baxo doorashada aqalka baarlamaanka, isla markaan ay taasi suurto galinayso iyadoo dadweynuhu ay qaataan kaadhka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha.

Prof. Kayse Cali Geedi oo isagu halkaasi hadal dheer ka jeediyay ayaa dhalinyaradii kulankaasi kasoo qayb-gashay ku bogaadiyay taageerada ay u hayaan murashax Maxamed Xasan Finad, isla markaana ay tahay in hawsha taageerada ee ay u hayaan murashaxu  tahay mid dhalinyarada u dan ah oo barri ka maalin qof waliba uu han iyo hiigsi yeelan karo.

Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay Caaqil Maxamed Weerar iyo Caaqil Nuur Muxumed Cismaan oo labadoduba si wayn usoo dhaweeyay murashaxa isla markaana sheegay in ay hiil iyo hooba la garab taaganyihiin oo aanay jirin wax ay ka hag-ranayaan.

Dhanka kale, Munaasibaddan waxa qayb ka ahaa qaar ka mid ah taageerayaasha Qurbejooga ah ee Murashax Maxamed Xasan Finad, waxaana afka Qurbejoogta ee taageerayaasha Murashaxa ku hadlay Cabdiqaadir Ibraahim Dhagacadde oo ka mid ah qurbejoogta reer Canada, isagoona halkaasi kasoo jeediyay hadal qiimo badan oo uu kula dardaarmayo murashaxa, sheegayna in haddii ay yihiin Qurbejoogta ay taageero hiil iyo hooba la garan taaganyihiin murashaxa.

Ugu danbeyntii, munaasibaddan oo ahayd mid si wayn loo soo agaasimay ayaa waxa halkaas khudbad dheer kasoo jeediyay Murashax Maxamed Xassan Finad, isagoona halkaasi si wayn ugu mahadceliyay dhammaan taageerayaashiisa iyo weliba qaban-qaabiyayaashii kulankan dhalinayarada, waxaana murashaxa hadaladdiisii ka mid ahaa ‘’Anigu runtii aad baan u faraxsanahay caawa, waanan idiinka mahadcelinayaa taageeradiina, balse waxay iiga sii farxad badnaan lahayd anigoo caawa ah Murashax Madaxweyne isla markaaana u tartamaya xilka madaxtinimo ee dalka’’ ayuu yidhi Murashaxa Maxamed Xasan Finad oo halkaasi kasoo jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysay.

Murashaxa waxa kale oo uu dhalinyaradii kulankaasi kasoo qayb-gashay uu si wayn ugala hadlay diiwaan-galinta, isagoona ugu baaqay in ay qaataan kaadhka diiwaan-galinta si mar dhow ay ugu coddeeyaan, waxana murashaxu uu halkaasi ka sheegay In aanu kulankani uu noqon doonin kii ugu danbeeyay ee dhalinyaradu iskugu timaado, balse ay dhici doonaan kulamo kan ka waayayn haddii ilaahay yihaadho.

IMG_1434

IMG_1236

IMG_1223IMG_1233IMG_1234
IMG_1245IMG_1237IMG_1246IMG_1239

IMG_1251IMG_1261IMG_1265IMG_1272IMG_1274IMG_1277IMG_1278IMG_1279IMG_1280IMG_1283IMG_1281IMG_1285IMG_1286IMG_1289IMG_1296IMG_1308IMG_1324IMG_1327IMG_1328IMG_1330IMG_1334IMG_1335IMG_1337IMG_1338IMG_1340IMG_1341IMG_1345IMG_1346IMG_1348IMG_1349IMG_1350IMG_1350IMG_1351IMG_1353IMG_1359IMG_1361IMG_1364IMG_1367IMG_1368IMG_1369IMG_1372IMG_1373IMG_1374IMG_1376IMG_1380IMG_1382IMG_1383IMG_1386IMG_1389
IMG_1397IMG_1396IMG_1398IMG_1402IMG_1403IMG_1404IMG_1405IMG_1407IMG_1408IMG_1410IMG_1412IMG_1416IMG_1419IMG_1420IMG_1421
IMG_1427IMG_1426IMG_1428IMG_1434IMG_1435IMG_1437IMG_1440IMG_1442IMG_1443IMG_1444IMG_1445

Comments are closed