|

Saxaafadda Dunidda oo Doorashadda Somaliland Ku Tilmaamay Tii ugu Qiimaha badnayd ee Afrika ka dhacda AKHRI

Hargaysa 14 November  2017 (SDN/QJ):-Wakaladdaha Warbaahinta ee dunida, ayaa si weyn u qaada dhigay oo wax uga qoray Doorashadda Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka ka qabsoontay, waxaanay Saxaafadda Caalamku doorashaddan ku tilmaameen tii ugu casrisaneyd isla markaana ugu dumquraadi saneynd ee Bariga Afrika ka dhacda.


Doorashaddii Madaxweynimadda ee Somaliland kuna tartamayaan Saddexda Xisbi ee Kulmiye, UCID iyo Waddani oo shalay si rasmi ah guud ahaan looga dareeray dalka Somaliland, ayaa Saxaafadda ugu waa weyn Caalamku si xoogan u lafo gurtay waxaanay Jamhuuriyadda Somaliland ku amaaneen inay tahay bogcad Dumquraadiyadda iyo doorashooyinka xorta ah kaga tilmaaman mandaqadda dalalka Geeska ee Afrika, waxaanay Saxaafaddu is isku mida farta ugu fiiqeen inay Jamhuuriyadda Somaliland noqotay iyada oo aan la aqoonsaneyn ay Ku Karbaashtay dhinaca Dumquraadiyadda iyo Qabashadda doorashooyinka Xorta ah ee dalalka Geeska Afrika ku yaala sida Itoobiya, Eritrea, Riwaanda, Somalia, Koonfurta Suudaan, Tansania, Kenya, Jabuuti Dumquraadiyadda, isla markaana tahay Somaliland  dal 6  Doorashooyin hirgeliyey in nidaam dumquraadi ah qabta.

Wakaladda (Assocaition Press/AP) oo dhankeeda warbixin shalay subaxdii markii doorashadda Madaxtooyadda Somaliland loo dareeray Warbixin ka qortay ayaa ciwaan uga dhigtay warkeeda “Reer Somaliland Waxay U Codeyeen Doorashadda Madaxweyne Cusub Wakhti Ay Waajahayaan Carqalado Cidhiidhiya” waxaana Wakaaladdu guddaha ku sheegtay in dadka codkoodii hore ugu qaatay Kaadhka Codbixinta ee Doorashadda Madaxtooyaddu ka badneyd 700,000 kuwaasi oo ka codeynaayey dadku Goobo dhan  (1,600 polling stations) goobahaasi codbixinta oo amnigooda aad loo adkaayey, isla markaana doorashadda madaxtinimadda ee  Somaliland ay noqon doonto doorashaddii u horeysay ee Qaaradda Afrika lagu galo qalabka Casriga ee Indhaha (iris-scan biometric technology) kaasi oo Doorashadda Somaliland u saamixi doona in laga  hortago doorashadda in aanay muwaadiniintu qofna hal mar wax ka badan codeyn Karin iyada doorashadda madaxtooyadda ay ku tartami doonaan Saddexda Murashax ee Faysal Cali Waraabe oo Xisbiga UCID ka socda, Murashax Muuse Biixi oo Xisbiga Kulmiye ka sharaxan iyo Murashaxa 3aad oo ah Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo xisbiga Waddani ka sharaxan, waxaana ugu dambeyntii Wakaladda (AP) ay intaasi ku dartay in maalinta Jimcaha ee soo socda la sugaayo in natiijadda Doorashadda Madaxtooyada murashaxa ku guulaystay lagu dhawaaqi doono.

Wargeyska THE ECONOMIST oo Joornaal Magaaladda London ee dalka Ingiriiska ka soo baxa ah, ayaa qoray warbixin uu ciwaan uga dhigay “Waa maxay sababta uu u noqday dalka ugu Dumquraadisan dalalka ku yaala Mandaqada Bariga Afrika” waxa uu Wargeysku warbixintiisa guddaha ku sheegay inay Jamhuuriyadda Somaliland ku kaliyeysatay hirgelinta dumquraadiyadda dalalka Bariga Afrika isaga oo tusaale u soo qaatay wadamada kale ee mandaqada kula yaala eek a mid ka yihiin Itoobiya, Eritrea, Riwaanda, Somalia, Koonfurta Suudaan, Tansania, Kenya, Jabuuti dalalkaasi oo dhamaantood uu Joornalkani ku calaamadiyey inay yihiin kuwo ku guul daraystay inay doorasho hal qof iyo hal cod ah madaxweyne ku soo doortaan, halka ay Somaliland noqotay dalka kaliya ee bariga afrika ku yaala ee iyada oo waliba iyada oo aan la aqoonsan hadana qabsaday 13-ka Bishan  doorasho xor ah oo Nidaamka Xisbiyadda badan ay Saddexda Xisbi ee Kulmiye, Waddani iyo UCID ugu tartameen Kursiga Madaxweynenimadda ee Somaliland, doorashaddan oo la filaayo in madaxweynaha cusub ee la dooran doona uu noqon doono Madaxweynihii 5aad ee Somaliland iyo sido kale doorashaddii 6aad ee Somaliland si dumquraadi ah uga qabsoonta, taasi oo ah sida Wargeyskani ku dooday calaamad dumquraadiyad oo Jamhuuriyadda aan wali dunidu aqoonsan ee Somaliland u gaara isla markaana aan ilaa hada  dalalka kale ee Bariga Afrika ka hirgelin.

Talafeeshinka Caalamiga ee AL-Jasiira ayaa goba uu ku leeyahay Internet-ka ku daabacay Warbixin uu Ciwaan uga dhigay “ Doorashadda Somaliland Dhalinyaradda Oo U Muuqda Kuwa Ka Soo Horjeeda Siyaasadda Qabiilka Ku Qotonta” Al-Jaziira waxay guddaha warbixinteeda ku sheegtay in arinta ugu xiisaha badan ee doorashaddan guusha u ahi tahay in dayarta iyo dhalinyarta aqoonyahanka ee reer oo ka biyo diiday nidaamka Qabyaaladda ee Siyaasadda Somaliland iyo Doorashaddu ku dhisan tahay inay dood fool ka fool ah iskaga horkeentay Saddexda Murashax ee Xisbiyadda Kulmiye, Waddani iyo UCID kuwaasi oo Dood ay u qabatay ururka Inspire iyo Iddaacadda Bbc-du diiradda lagu saaray dhalinyarta reer Somaliland ee dadoodu ka yartahay  35 oo Camal la’aantu gaadhay 75&  iyo arimo kale oo ay ka mid yihiin heerka waxbarashadda oo 44% dadka reer Somaliland lagu sheegay in aanay waxba baran.

Wakaaladda Reuters ee dalka Maraykanka laga leeyahay, ayaa iyaduna dhinaceeda wax ka qortay Doorashadda Madaxtooyadda ee Somaliland ka qabsoontay maalintii shalay waxaana ciwaanka warka ay doorashadda Somaliland ka qortay ay tidhi “Doorashadda Somaliland Ee 13 November 2017” Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal ka go’ay Somalia, ayaa Doorashaddii Madaxtooyadda looga dareeray maanta (shaly) oo ahayd 13 November 2017, waxaana doorashan oo ah mid lagu dooran doono Madaxweyne  Cusub isla markaana noqon doona madaxweynihii 5aad ee  Somaliland soo mara intii ay jirta , waxa ka qaybgeli doono dad ka badan 700,000  qof oo codbixiyaal ah iyada oo Xisbiga Muxaafidka ee taladda Somaliland haya ee Kulmiye uu tartan xoogan kala kulmi doono raga murashaxiinta ka socda Axsaabta Mucaaridka.

Wakaaladda THE BLOOMBERG PLITCS  ee dalka Maraykanka ka soo baxda ayaa Warbixinta ay ka qortay doorashadda Madaxtooyadda ee shalay looga dareeray waxay ciwaan uga dhigtay “Jamhuuriyadda Iskeed U Goday Ee Somaliland Oo Doorasho Qabsatay Iyo Muqdisho Oo La Tacaalaysa Kooxaha Argagixisada” Wakaaladda oo warbixinteeda guddaha ku sii faahfaahisay waxay tilmaantay in Jamhuuriyadda Somaliland ee xoriyadeeda Somalia kala soo noqotay 1991-kii, waxa uu Jamhuuriyadda Somaliland ku amaanay inay doorasho hal qof iyo hal cod ah maalintii shalay oo Isniin ahayd muwaadiniinta reer Somaliland u dareereen si ay u soo doortaan madaxweynahoodii 5aad ee dalkan aanay dunidu aqoonsaneyn hab dumquraadi ah ku soo doorteen, balse wargeysku waxa uu dumquraadiyadda Somaliland ka hano qaaday barbar dhig ku sameeyey Nidaamka Doorashooyinka dumquraadiyadda ee ka hano qaaday Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo aanu caalamku aqoonsan  iyo Maamulka Somalia ee Muqdisho ee taageeradda badan Beesha Calamka ka haysta oo ku guul daraystay in doorasho xor ah madaxweynenimadda lagu soo doorto isla markaana halka ay Somaliland tahay dal nabadgelyo taan ah haysta oo wax amni daro ahi ka jirin dhigooda Somalia ay Argagixiso iyo Qaraxyo kooxo xag jira oo guddaha Somalia deegano ka taliya fuliyaan ay dawladda Federaalka Somalia la daala dhacayso, waxaana warbixinta The Bloomberg intaasi lagu daray in tartanka doorashadda madaxtooyaddu ka dhexeeyo saddexda xisbi ee Kulmiye oo ah xisbiga Muxaafidka iyo labada xisbi ee Waddani iyo UCID oo ah axsaabta mucaaridka.

Wakaaladda ABC-NEWS ee dalka Maraykanka xaruntiisu ku taal, ayaa warbixin ay ka qortay Doorashadda Somaliland markii ay xalay soo xidhantay dadkii codkooda ka dhiibanaayey goobaha codbixinta doorashadda madaxtooyaddu ka socotay ee guud ahaan dalka waxay ciwaan uga dhigtay warkeeda “Codbixintii Doorashadda Madaxtooyadda  Ee Somaliland Oo Soo Xidhantay Iyo Madaxweyne Cusub Oo Lagu Dooranaayo” Wakaaladan oo gudaha ku faahfaahisay warbixinteeda waxay sheegtay in muwaadiniinta reer Somaliland ee codbkooda ka dhiibtay doorashadda Madaxtooyadda Somaliland ay soo xidhantay isla markaana hawl wadeenadda Munaaqibiinta ee ka shaqaynaayey goobaha codbixintu ay tirinta codadka bilaabeen oo ay socoto, waxaanay wakaaladu sheegtay in la filaayo in maalinta Jimcaha soo socda ee bishu tahay 17-ka Bishan November 2017-ka , ay guddida doorashooyinka Somaliland ku dhawaaqi doonaan murashaxa ku guulaystay in uu noqdo madaxweynaha 5aad ee Somaliland yeelan doonto.

Dhinaca Kale Wakaaladda Business-Ghana ee dalka Ghana xarunteedu tahay oo iyada laftiidu warbixin ka soo xiganaysay Iddaacadda BBC-da, ayaa warbixin ay xalay daabacday waxay ciwaan uga dhigtay “ Somaliland Oo Qabsatay Doorasho Qalabka Indhaha Lagu Aqoonsado Ee Ka Hortaga Wax Isdaba Marinta” Wakalaadda oo warbixinteeda sii wada waxay sheegtay in Somaliland tahay dalkii ugu horeeyey ee Caalamka qabsada doorasho lagu galo qalabka Casriga ee aqoonsiga Indhaha kaasi oo ka hortegaya in wax isdaba marin dhinaca codka ahi dhacdo, waxaana wakaaladda oo warbixintiisa sii wata hoosta ka xariiqay inay Hargeysa u yimaadeen goobjoogayaal tiro badan oo ka kala socda 24 dal oo Beesha Caalamka iyada oo goob joogayaashaasi kormeer ku sameyn doonaan 16,000 Sanduuq oo laga codeyn doono dhamaan goboladda iyo degmooyinka Somaliland.

Wargeyska Journal-ducameroun oo isaguna wax ka qoray Doorashadda Madaxtooyadda Somaliland, ayaa warkiisa ciwaan uga dhigay “Somaliland Oo Qabsatay Doorashadda Codbixinta Ee Madaxtooyadda” waxaanu wargeyska oo hadalkiisa sii wata uu hoosta ka xariiqay in guusha ugu weyn ee Somaliland doorashadeeda Madaxtooyadda ee ay qabsatay taasi oo natiijaddeeda maalinta Jicmaha la filaayo guddida doorashooyinku ku dhawaaqaan ay tahay in Qalabka Casriga ee sawirka Indhaha lagu galay doorashadda isla markaana ay meesha ka bixi doonto musuq maasuq iyo wax isdaba marinta codka.

Xigasho Wargayska Saxan Saxo.

Comments are closed