|

Shan Caruur ah oo Walaalo ah Iyo Sadex Qof oo Kale oo Ku Naf waayay Dab ka Kacay Xero ay ka degen yihiin Magaaladda Kismaayo & Sababta Keentay!!DAAWO

Kismaayo 17. September 2017 (SDN/QJ):-Shan Carruur oo la sheegay inay ahaayeen Walaalo iyo Saddex Qof oo kale ayaa ku Geeriyooday Dab ka kacay Xero ay ku nool yihiin Dad Barakacayaal ah oo ku taalla Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland.

Dabkan ayaa sidoo kale la sheegay inuu dhaawac ka soo gaadhay Hooyo Da’ ah oo ka mid ah Qoysas danyar ah oo Xeradaas ku nool iyo Saddex Qof oo kale, kuwaasi oo iyagana Dabku Gurigooda qabsaday.

Dabkan oo aan la garaneyn waxa sababay ayaa la sheegay in uu ka kacay guri ay daganaayeen Qoyska ay waxyeeladu soo gaadhay, iyadoo ay ku naf-waayeen Shan Carruur ah oo isugu jiray 3 Wiil iyo 2 Gabdhood oo Walaalo ahaa isla-markaana ay Da’doodu u dhaxeeysay 10 jir ilaa shan jir.

Mid ka mid ah Dadkii u gurmaday Guriga Dabku ka kacay, ayaa sheegay “Carruurta guriga ayay ku jireen, Hooyadood guriga ayay kor kaga xidhi jirtay si ay ugu soo shaqeyso, dhar ayay soo maydhi jirtay, Galabtiina way soo noqon jirtay..” ayuu yidhi Axmed Cabdillaahi, isagoo intaa ku daray in Dabka laga War-helay Xilli uu Xoogeystay oo badbaadadu adkayd, kaasi oo uu sheegay inuu bilaabmay Dabku Xilli Carruurta oo keliya ku sugnaayeen Guriga oo Hooyadood Korka kaga xidhay, taasina u suurto-gelin wayday inay ka soo baxaan.

Comments are closed