Hargaysa 09. October 2017 (SDN/QJ):- Allaah ha u naxariistee Laba Ruux ayaa ku geeriyooday Shil Baabuur oo Isniintii maanta ka dhacay Duleedka Gableed ee magaalada Hargeysa, ka dib markii uu Gaadhi ay wateen labada Marxuum isla rogay ama la qallibmay.
Labada Marxuum ee Shilkaa Gaadhi ku geeriyooday, ayaa Magacyadooda lagu kala sheegay; Cabdi Ismaaciil Cige oo ahaa Darawalkii Gaadhiga dhacay waday iyo Maxamed Daahir Cabdillaahi oo la socday. Waxaanu Gaadhigu ka yimi Magaalada Wajaale oo uu Qaad ka soo qaaday.
Sidoo kale Axaddii Shalay, ayuu Shil Baabuur oo isna ka dhacay duleedka magalada Gabiley sababay dhimashada 4 Ruux oo Guddoomiyihii demgada Kalabaydh ku jiro iyo Lix Qof oo iyaguna ku dhaawacmay oo laba ka mid ah dhaawacooda Dhakhaatiirku mid cululs ku tilmaameen.
Axmed Cumar Cabdi oo ah Taliyaha Kantaroolka Galbeed ee magaalada Hargeysa oo markii shilku dhacay tegay goobta ayaa Teleshinka Horn Cable Tv uga waramay qaabka uu shilkaasi u dhacay, waxaanannu Muuqaalka Shilkan Maanta sida uu u dhacay iyo Hadalka Taliyahaba, idiinku soo gudbinaynaa Halkan hoose ee Daawasho Habboon:-
