|

Somaliland: Magaalada Hargeysa Oo Lagu Rakibay Sameecado Heeso ka Baxayaan

Hargeysa,17,5,2016 (QJ/SDN) – Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa waxa laga dhex qotomiyay sameecado waawayn ama se cod-baahiyeyaal, kuwaasi oo lagu xidhay waddooyinka waawayn ee magaalada.

Sameecadahani ayaa wax ka baxaaya heeso kuwaasi oo u badan waddani,  iyadoona sameecaduhu ay yihiin kuwo aad u cod dheer.

Sameecadahani ayaa la sheegay in maalinka barri ah oo ku beegan xuska sanad guuradii 25’aad ee kasoo wareegatay maalinkii ay Somaliland ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale lagu baahin doonno khudbadaha ay masuuliyiinta ka hadlaysa dabbaal-degga maalintaasi ay jeedin doonnaan.

Dhanka kale, ciidanka Booliska Somaliland ayaa todobaadyo ka hor magaalada Hargeysa ka furay sameecado horay looga dhagaysan jiray muxaadirooyin diini ah, kuwaasi oo la sheegay in laga guray magaalada kaddib markii lagu baahiyay muxaadiro uu horay u jeediyay hoggaamiyihii la dilay ee ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane oo Al-shabaab u taqaanay Abu Zubeyr.

Si kastaba ha ahaatee, diyaar-garowga maalinta 18-May ayaa laga dareemayaa guud ahaanba gobolada Somaliland, gaar ahaan magaalada Caasimadda ah ee Hargeysa.

100_7093100_7107

Comments are closed