|

“Somaliland-na Dagaal Baa Lagu Soo Qaadey Oo Xalaad Dagaal Baa Dalka Laga Abuuray”..Gudoomiyaha Guurtidda DAAWO

Hargaysa 10. January 2018 (SDN/QJ):-Golaha Guurtida Somaliland ayaa waxaa ay saaka iskugu yimadeen fadhi deg deg ah isla markaana aan caadi aheyn , kaas oo yimid xili goluhu uu fasax ku jiro

Xildhibaanada iyo shir gudoonka golahaasi ayaa waxaa ay fadhigoodan aan caadiga aheyn kaga hadleen arimaha ka soo kordhay gobalada bariga Somaliland , waxaana gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland uu xildhibaanada u sheegay in weerar lagu soo qaadey Somaliland oo dawlada Somaliland ay xaalad dagaal ka abuurtey deeganada Bariga .

 

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa daandaasi ku tilmaamay in wasiiro ka tirsan xukuumada Somaliya in ay iyaga oo ciidan wata ay yimadaan deegano ka tirsan Somaliland.

Comments are closed