|

SOMALILAND: Nin Xanuunka Dhimrika Qaba Oo Dad Ku Laayay Degmada Sheekh

Sheekh,17,7,2016 (QJ/SDN) – Degmadda Sheekh Oo Hoos Timaada Gobolka Saaxil Ee Berbera ayaa xalay nin Ku Hubaysan Midi waxa uu ku dilay Saddex Qof oo shacab ah,waxaana uu ku dhaawacay Shan Ruux Oo iskugu jira raga iyo dumar,waxaana ay bulshada ku dhaqan degmada sheikh oo dhacdadani ay argagax galisay Gacan ku dhiiglaha ku shegeen inuu ahaa nin maskaxda ka jiran oo qaba xanuunka dhimirka.

Dadka ku geeriyooday Waranka Ama Midada uu La Dhacay Ninka Xanuunka Dhimirka ah qabay ayaa wakhtigaasi waxa ay ku sugnayeen makhaayad laga shaheeyo oo degmada ku taala,balse dadka dhaawacu uu ka soo gaadhay Ayaa lasoo sheegayaa in loola cararay Cusbitaalka Guud ee magaalada burco,kuwaas oon xaaladooda wali wax war ah aan laga hayn ilaa hadda.

Wariye HadhwanaagNews ee magaalada berbera Yaasiin Jaamac Cali oo khadka taleefanka kula hadlay dad ku suganĀ  degmada sheikh ayaa sheegay in Dhaawacyada uu ninkan xanuun sanayaa uu gaystay in qaarkood lagu dabiibayo Cusbitaalka Degmada Sheekh kuwaas oo ay ku jiraan dumar iyo caruur.

Ciidamada amaanka ee degmada sheikh ayaa aakhirkii ninkan kacanta ku dhigay,waxaana lasoo sheegayaa xabadii ay ciidanku ku ridayeen ninkan xanuun sanaya ay ku dhacday ilma yar oo caruur ah kaas oo isna xaaladiisa caafimaad lala tacaalayo.

Dadka Degmada sheikh ayaa dhacdadani ku tilmaamtay mid ka yaabisay balse waxa ay amaan u jeediyeen ciidanka booliska oo aakhirkii gacanta ku dhigay markii ay rasaas u adeeg sadeen ninka gacan ku dhiig laha ah ee sahayda saddex ruux iyo shanta qof ee dhaawac ah.

Eedaysanaha dilkan gaystay ayaa loo soo dhaadhiciyay magaalada berbera waxaana lasoo sheegayaa in lagu xidhay Xabsiga Berbera.

Comments are closed