Hargaysa 02. October 2017 (SDN/QJ):- Waxaa 13-ka Bisha November ee sannadkan Somaliland la filayaa inay ka qabsoonto doorashadii ugu xamaasada xumayd abid ee soo marta dalkan geedigiisa dimuquraadiyadeed ka soo bilaabmay sannadkii 2001-dii oo ahayd Markii shacabku afti qaran ku meel mariyeen distoorka dalka u degsan oo xalaalaynaya hannaanka xisbiyada badan iyo doorashooyinka xorta ah.
Ladhka doorashadani leedahay waa mid baqdintiisa leh inkasta oo Shacabka Somaliland ay wax badan kala garan karaan hasa yeeshee waxaan shaki lahayn in Makas badan maankooda ay doorsanayaan Shakhsiyaad dano gaar ah leh.

