|

Tahriibayaal ku socday Yemen oo lagu qabtay Biyaha Deegaanada Puntland

Boosaaso 17.Aug 2016 (SDN/QJ):- Xeebaha magaalada Boosaaso ayaa lagu soo qabtay dad qaxooti ah kuwaas oo u badan itoobiyan kuna wajahnaa dalka Yeman sida ay sheegeen qaar kamid ah oo gacanta lagu dhigay.

 

TAHRIIBAYAALTaliye ku xigeenka qaybta Booliska gobolka Bari Gaashaanle dhexe Axmed oo waraysi siiyey BBC,da ayaa sheegay 116 ay yihiin dad itoobiya dhalasho ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayuu sheegay inay tiro ahaan gaarayaan 68 rag iyo dumar 55 ah.

 

Taliye ku xigeenka ayaa sidoo kale hadalkiisa wuxuu sii raaciyey doonyo waday dadkaasi inay gacanta ku dhigeen baaritaanana ay kuwadaa si loo ogaado fariisinada ugu waa weyn ee dad laga tahriibyo deegaanada Puntland.

Comments are closed