|

TALO, IYO TUSAALOOYIN :Qalinkii: Idiris Muxammad Muxammuud ( Idiris Tooxyare.)

Waan ku faraxsanahay guusha, iyo horumarka siyaasadeed ee uu waddankeennu (soomaalilaan) gaadhay waa mid uu innoo horseeday yagleelahii, iyo aabbahii jamhuurayada soomaalilaan Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) AHU

Iyo madaxwaynayaashii kale oo si qurux, iyo qabayn leh u sii sameeyay hanaanka cod bixinta doorashada ee qof waliba dooran karo qofka uu rabo eyada oo aanay cidna qasbayn, ama aannu werwer ka qabin rabi taankiisa codayneed. Dhamaystirka udub dhexaadka dawladeed oo ah ciidan qalabaysan, haybad, iyo sumad go’niya na leh, oo maamuus la dulsarray ka adag cadawga, iyo sharci jabiyaha. Ciidan waa awoodda ugu sarraysa ee nabadda, iyo suragaliyaha hurdadeenna wanaagsan innoo na hu’ray naftooda, iyo maalkooda, sharaf, maamuus, iyo qaaddarin heerkeeda aan la soo koobi karin ayay innaga muddan yahiin.

Siyaasiga dalkeennu waa kuwa innaga gumaystay caqliga, iyo cudduda dhallinteenna ta beddelkeeda waxa ay innaga dhigteen adhi lagu kala xaraysto xerooyin ay yeesheen hoggaamiyayaasha xisbiyada waliba labadda ugu awoodda baddan loolankan hoggaaminta dalka, ama ololahii doorasha se 13 November waxa aan kaga ciil lahay in ay noqotay doorashadii adduunka ugu quruxda badnay, iyo in aynnu muujinay ilbaxnimo heerkii ugu sarraysay, iyo dulqaad badnaan aan la soo koobi karin.

 

Tartanka madaxtinimada soomaalilaan wuxuu soo maray marxaalado kala duwan kuwaasi oo inta ugu badnayd ay aqbashay ciddii laga guulaystay. tusaaleyaal fiican ayay innooga tageen madaxwaynayaashii hore. Ka billawo aabbahii soomaalilaan Tuur, ina cigaal, riyaale, iyo siilanyaha maanta joogaba way u tanaasule hankoodii mar kasay daneeyeen qaran la dhiso. Waxa aynnu ogsoonahay hanaankani inuu sharaf ku kordhiyo mooye, in aannu wax qiimo dhaca kugu sameynayn, oo abaalmarin lagaga dhigi doonno doorashooyinka danbe in aad ka sarrayn doonta labadda kula tartamayaba in aad kusoo laban labimi doonto sidii madaxwayne siilanyo oo kale. Dhismaha aad soo dhisaysay muddo baddan in aad dumiso maanta waa laga qurux baddan yahay. Waliba adiga oo kuwii dhiigoda, iyo maalkoodabs u hu’ray ka soo jeedda cid kaga sharaf, iyo maamuus sarraysa na aanay jirin. Inta marka dib loo milicsado halgankii, iyo dib u xorayntii qarankan loo soo maray. Soomaalida kale waxa aynnu kaga horrayna wax kale ma ahee waa tanaasulka, dulqaadka, iyo is ixtiraamka, khilaafkeenna oo aan dibadda u soo bixin oo lagu xaliyo dhaqanka, iyo diinteenna suubban.

 

Waan hambalyaynayaa dhammaan murashaxiinta tartantay Faysal, Muuse, iyo Cirro ba waxa aad isku ganteen sawaariiq heerkeeddu sarreeyo, haddana waxa aad muujisen walaaltinimada, iyo wax wadda lahaanshaha qarankeennu ku horumaray.

Dhammaanteen waan guulaysanay farxadda, iyo damashadka madaxwaynanimo way innaga wadda dhaxaysa.

Hawraaro hore ayaa odhanaaya

 

“Far kaliyaatii fool ma dhaqdo”  iyo

“Gacmo wadda-jir ayay wax ku go’yaan”

 

Intasiiba waxa ay sheegayaan kalinimada, iyo qoqobku bulshadda lagu sameeya in aan waxba laga faa’idayn, se wadda-jirka iyo walaaltinimadu in ay ka wanaag baddan tahay.

 

Marka aad tartan galayso waa in aad u soo diyaar garawdo guul, iyo guuldarraba. Kubadu waa bar cad, iyo mid madaw. Mid ayaa guulaysan doonna ninka guulaysta shaqo baddan ayaa hortaal. Midaynta shacabka kala irdhoobay,  iyo horumarta umuuraha aasaasiga ah biyo, caafimaadka, iyo waxbarasho tayo leh.

Siyaasada arrimaha dibadda oo la xoojiyo, iyo ta arrimaha guddaha oo la sii koob ciyo.

 

Ilaalinta nabadda, iyo midnimada qaran aan la kala xigtaysan, iyo xaqsoor caddaalad ku dhisan. Adkaynta sharcigu inuu ka sarreeyo qofkasta, iyo qoyskastaba.

 

Allcadaala

 

La soco qaybta (2)…….

Waxa aan qoray 15 November

 

Qalinkii: Idiris Muxammad Muxammuud ( Idiris Tooxyare.)

Comments are closed