|

Tirada Dhimashada La Xaqiijiyey Ee Rayidkii Ay Ciidamada Itoobiya Ku Dileen Deegaanka Gaashaamo, Ardaayada Ay Ka Soo Jeedaan Iyo Xaaladihii U Dambeeyey

Hargeysa,8,6,2016 (QJ/SDN) – Labadii maalmood ee u dambeeyey waxaa xiisad xoog ah iyo hadal hayn badan ka dhex abuuray magaalada Hargeysa iyo guud ahaan magaalooyinka waaweyn ee Somaliland wararka la xidhiidha dil-wadareedkii ay qaar ka mid ah ciidamada Itoobiya ka geysteen deegaanka Jaamac Dubbad oo dhinaca Bari ka xiga degmadda Gaashaamo oo ka tirsan gobolka Dhagax buur ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

1

Dilkaas oo si aad ah looga dareemay Somaliland maadaama oo dadka deegaankaas lagu laayey ay dhalasho wadaag yihiin dad reer Somaliland ayaa wararka la xidhiidha sababta uu ku bilowday iyo khasaaraha runta ah ee dhacay ay illaa hadda aad u yar yihiin isla markaana yihiin warar is burinaya.

Haddaba baadhitaan iyo xidhiidho uu Geeska Afrika ugu kuurgalay khasaaraha dhacay iyo xaaladihii dil-wadareedka ka hor dhacay, ayaa waxaa ugu suurtogashay in uu ogaado tirada dadkan rayidka ahaa ee illaa hadda la hubo in ay ku dhinteen dilkaas foosha xun, iyo ardaayada ay ka soo jeedaan, qabiil ahaan, iyo sidoo kale dhacdo ka horreysay weerarka ciidamada Itoobiya ku qaadeen tuulahan oo ah sababta uu weerarka ciidanku daba socday.

Tirada dadka ku dhintay weerarkaas iyo ardaayada ay ka soo jeedaan ayaa ah:

1. 10 Marxuum oo ka soo jeeda ardaaga Muuse Carre ee Beesha Habar Yoonis oo 3 ka mid ahi ay dumar yihiin

2. Laba marxuum oo ka soo jeeda beesha Cabdi Xirsi (Habar yoonis)

3. Saddex ka soo jeeda beesha Baho Caynaanshe (Habar Yoonis)

4. Shan ka soo jeeda beesha Muuse Ismaaciil (Habar Yoonis)

5. Iyo Marxuumad Caasha Masmud Jaamac oo ka soo jeedda ardaaga reer Daahir ee beesha Habarjeclo

Tiradaas oo marka la isku daro dhimashada dadka illaa hadda la xaqiijiyey ka dhigaysa 21 marxuun, balse waxaa jira wararka qaar sheegaya in ay jiraan Shan ruux oo iyaguna meelo kala duwan oo duleedka tuulaha ah lagu dilay, balse aanay Geeska Afrika u suurtogelin in uu xaqiijiyo.

Waxa kale oo uu Geeska Afrika helay warar sheegaya in weerarka ka hor, saraakiil ka tirsan waaxda cashuuraha iyo kastamada Itoobiya ay isku dayeen in ay tuulahan ka kaxaysteen gaadhi ay sheegeen in aanu ka cashuurnayn dalka Itoobiya, oo dad rayid ah oo tuulaha joogay ay wateen, laakiin dad deegaanka ahi ay isku dayeen in ay gaadhigaas kaxaysigiisa ka hor istaagaan, halkaasna uu ka dhacay iska hor imaad dhaliyey in la dilo mid ka mid ah saraakiishii qaybta Cashuuraha ee Itoobiya ka socday, wararka qaarna sheegeen in mid kalana laga dhaawacay, dhacdadaas kadib ayaa ay kooxdan Cashuuraha ka socotay ay u qayshadeen  ciidamada Itoobiyaanka ah ee soo qaadaan weerarkan ay dadka badan ee rayidka ah ku dileen.

Dhinaca kalana waxaa illaa xalay, Hargeysa iyo Burco ka socday shirar iyo kulamo is-xogwaraysiyo oo odayaasha dhaqanka iyo wax-garadka beesha Habaryoonis ee ay ka soo jeedaan muwaadiniintaas Itoobiyaanka ah ee ay gumaadeen ciidamadu, waxaana la filayaa illaa maanta in hawshaas si rasmi ah ay u galaan madax dhaqameedka sare. Xukuumadda Somaliland ayaa iyaduna aan illaa hadda si rasmi ah uga hadlin arrintan, oo in kasta oo ay tahay arrin dal kale iyo muwaadiniin dal kale ka dhacday, haddana sababo dhinaca abtirsiinta ah saamayn amni ku yeelan karta Somaliland gudaheeda iyo xuduudka labada dal wadaagaan oo beesha dadka la dilay ay labada dhinacba ka xigto.

Waxase jira warar uu Geeska Afrika helay oo sheegay in uu jiro kulan ay arrintan isla maantaba uga ballan san yihiin wasiirka arrimaha Dibadda  ee Somaliland iyo wakiilka dawladda Itoobiya u fadhiya Somaliland.

Comments are closed