|

Tirinta Codadka Doorashada oo lasoo gabo gabeeyay (Yaa ku horeeya Codadka) Iyo Murashixiinta Ku Hadhay Wareega Kowaad

Muqdisho 08. February 2017 (SDN/QJ):-Waxaa goordhaw lasoo gabo gabeeyay tirinta codadka wareega koobaad ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya , waxaana codadka ilaa hada la tiriyay ku horeeya Musharax Xasan Sheekh Maxamuud.

Musharax Xasan Sheekh Maxamuud oo hogaaminaya Musharaxinta tartameysa ayaa helay codad gaaraya 90-cod waxaana musharax labaad ee kusoo xiga Farmaajo uu isna helay codad gaaraya 72-cod.

Waxaa inta badan wareega koobaad ku haray Musharaxiintii u taagneed Xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana wareega labada usoo baxay una tartami doona afarta Musharax ee ugu codadka badan.
Afarta Murashax ee u Gudbay Wareega Labaad ee Doorashada ayaa Kala ah.

  1. Xasan Sheekh Maxamud oo Haysta 88 Cod.
  2. Maxamed C.laahi Farmaajo oo Haysta 72 Cod
  3. Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Hayta 49 Cod
  4. Cumar C.rashiid Cali Sharmaarke oo haysta 37 Cod.
    Musharaxiinta Ku Hadhay Wareega Labaad Waxay Kala Yihiin ayaa codadka u kala helay sida tan;

    Jibriil Ibraahim Cabdulle 1-cod
    C/qaadir Cosoble Cali 25-cod
    C/raxmaan C/shakuur Warsame 9-cod
    Saciid C/llaahi Deni 18-cod
    Cali Xaaji Warsame 3-cod
    Cabdulahi Cali Axmed (Cadow) 14-cod
    C/naasir Maxamed Cabdulle 6-cod
    Xaaji Maxamed Yaasin 2-cod
    Cabdulahi Cilmooge Xirsi 0-cod
    Maxamuud Maxamed Culusow 0-cod
    Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) 2-cod
    Maxamed Cali Ameeriko 0-cod
    Saciid Ciise Maxamuud 1-cod
    Maxamed Axmed Jabarti 1-cod
    Maxamed Cabdirisaq 0-cod
    Bashiir Raage Shiiraar 0c
    Axmed Maxamed Cabdi 0-cod

    Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Comments are closed