|

Todoba Qodob oo Qaarkood Xasaasi Yihiin oo Lagu soo Afmeeray Wada Hadalkii u Socday Somaliland Iyo Khaatumo DAAWO

Caynaba 20. October 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo iyo madaxweynaha maamulka Khaatumo ayaa waxaa ay goor dhaweyd heshiis rasmi ah ku kala saxeexdeen magaalada Caynaba ee xarunta gobalka Saraar .

Heshiiskan ayaa waxaa uu noqonayaa mid ay ku midoobayaan dawlada Somaliland iyo maamulka Khaatumo waxaana uu ka kooban yahay 7 qodob oo kala ah sidan :-

  1. In la helo cadalaad , sinaan iyo nabad kuwada noolaansho

2.In la wada ilaaliyo jiritaanka iyo madax banaanida Somaliland .

  1. In Khilaaf kasta oo jira lagu dhameeyo wada hadal iyo jid nabadeed
  2. in la ilaaliyo midnimada iyo nabad ku wada noolaanshaha
  3. In Distoorka Somaliland dib loo furo si loo helo awood qeybsi ku saleysan cadaalad iyo sinaan , guddi joogto ahna arintaas loo saaro
  4. In Dawlada Somaliland iyo Haaya’adaha sama falkuba ay ka hawl galaan sidii Mashariic wax ku ool ah looga hir galin lahaa deeganada Sool iyo Sanaag .
  5. In ciidamada Hubeysan ee Khaatumo la qarameeyo oo wadanku yeesho ciidan qaran oo suga xuduudihiisa

Comments are closed