|

Ururka Midowga Africa oo u Doortay Gudoomiyaha Cusub ee Ururkaas Wasiirka Arrimaha Dibada ee Dalka Chad & Balanqaadka uu Sameeyay

Addis Ababa 30. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Shirmadaxeedka Ururka midawga afrika ayaa maanta ka furmaya Magaalada Adds ababa  Caasimadda dalka itoobiya kaasi oo socon doona laba maalmood.

Shir madaxeedkan oo ah shirmadaxeedkii 28 aad Waxa lagu doortay Gudoomiyaha Ururka Midowga Africa oo uu Ku Guulaystay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Dalka Chad Moussa Faki Mahamat Waxaanu helay Codka 38 Dal oo ka mid ah Ururka Midowga Africa.

Moussa Faki Mahamat waxa uu ka mid yahay Siyaasiyiinta ugu Cad cad ee dalka Chad Isagoo Noqday Raysal Wasaaraha dalkaasi Sannadihii 2003 ilaa 2005.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya Aamina Maxamed, oo ahayd Xubinta la filayay inay ku guulaysato hogaaminta Midowga Africa ayaa Codaynta Kadib Ku hambalyaysay dhigeeda arrimaha dibada ee Chad Guusha uu ka gaadhay Hogaaminta Ururka Midowga Africa Iyadoo balanqaaday inay si Wanaagsan ula Shaqayn doonto.

Gudoomiyaha Cusub ee Ururka Midowga Africa ahna Wasiirka arrimaha dibada ee dalka Chad Moussa Faki Mahamat ayaa balan qaaday inuu ka Shaqayn doono Sidii Africa uga Wanaagsanaan lahayd Sida ay Maanta tahay.

Gudoomiyaha Cusub ayaa Xilkan kala wareegaya Haweenaydii Kowaad ee Gudoomiye ka noqota Ururka Midowga Africa Dr. Nkosazana Dlamini Zuma oo ka soo Jeeda dalka Konfur Africa.

Dhinaca kalena Dublumaasi sare oo Maroko ah ayaa sheegay in dalkiisu taageero aan shuruud lahayn uga helay 42 Dal oo ka mida dalalka afrika  in maroko dib uga mid  Noqoto Ururka midawga afrika.

Dalka Maroko ayaa 33 sanadood ka hor iskaga baxay Ururka ka dib markii ururku ogolaaday xubinimadda Jamhuuriyada Saxaraha Galbeed ee Jabhadda Bolisaariyo ku dhawaaqday.

Comments are closed