|

USA: Saynisyahanno isku dayaya in ay soo Nooleeyaan dad dhintay

DHINTAY

Washington, 4,5,2016 (QJ/SDN) – Xukuumadda Maraykanka ayaa sharkad ka ganacsata qalabka iyo tiknoolajiga bayoolojiga u fasaxday in saynisyahannadeedu 20 qof oo dhintay ay isku dayi karaan in ay soo nooleeyaan [ILLAAHAY ayaa wax soo nooleeyee].

Saynisyahannadani waxay adeegsan doonaan qalab elektaroonic ah  iyo maaddada la yidhaa “amino acid” iyo qalabyo kale oo ay yidhaahdeen waxa lagu guulaysteen in ay cariyaan maskaxda dad koomo ku jiray kadibna ka soo noqday.

Saynisyahan ayaa sheegay  in ay marka koowaad awoodda saari doonaan qaybaha maskaxda ee qaabilsan neefsashada iyo garaaca wadnaha, haddii ay wax horumar ah arkaana ay u gudbi doonaan qaybaha kale ee jidhka. Sida uu ku warramayo Wargeyska The Telegraph oo shabakadda GaloolMedia soo xigatay.

“Hadda ayuun baanu oggolaanshaha ka helnay dawladda. Waxaanu raadsanaynaa 20 mayd annaga oo la xidhiidhi doona qoysaskoodii si aan u hubino in aanay arrinkan diin ahaan uga soo horjeedin” ayay yidhaahdeen saynis-yahannadu.

Mashruucan oo loogu magac-daray “The ReAnima Project” ayaa sidoo kale wuxuu oggolaansho ka helay Wasaaradda Caafimaadka ee Hindiya.

Saynisyahannadani waxay sheegeen in ay rajaynayaan in ay natiijo ku gaadhaan dhawr bilood gudahood.

Il-wareedka: The Telegraph

Comments are closed