Waa Maxay Sababta uu Isu Casilay Wasiirkii Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Puntland?

Garoowe 27.Sep 2016 (SDN/QJ):-Wasiirkii Warfaafinta Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Maxamuud Xasan Soocadde, ayaa iska casilay xilkii uu ka hayay Wasaarda Warfaafinta Puntland, Waxaanu sheegay inuu Madaxweynaha u gudbiyey Warqaddiisa Istaqaalada.

wasiirkii-warfaafinta-puntland-maxamuud-xasan-soocadde-oo-iscasilay-2016Maxamuud Xasan Soocadde waxa uu iscasilaaddiisa ku tilmaamay mid shaqsiyadeed iyo arrimo isaga u gaar ah, isagoo meesha ka saaray inuu jiro khilaaf u dhexeeya isaga iyo Madaxweyne Cabdiweli Gaas. Soocadde oo Isniintii Maanta Warbaahinta kula hadlay Garoowe, ayaa sheegay inuu Warqadda iscasilaadda u gudbiyay Madaxweyne Gaas.

 

“Iscasilaadayda Madaxweynaha ayaan maanta (Shalay) u geeyay, waanu iga aqbalay runtii. Madaxweynaha Warqad qoraal ah ayaan u geeyay oo ku saabsanayd iscasilaadayda, kuma iman runtii colaad iyo xumaan Aniga, Madaxweynaha iyo Xukuumadda ka dhaxaysaana ma jirto. Waa arrin Aniga ii gaar ah.” Sidaa ayuu yidhi Soocade.