|

“Waa Nasiib-darro in Xisbiyada lagu Waaniyo Hanna Qasina…” Musharrax Muuse Biixi & Dulucda Balanqaadyo Cusub oo uu Soo Bandhigay DAAWO

Hargeysa  26. September 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ahna Musharraxa Jagada Madaxweynaha ugu tartami doona Xisbigaas, ayaa sheegay inay nasiib-darro tahay in Xisbiyada Somaliland lagu waaniyo inaanay nabadgelyo-darro horseedin oo aanay degganaanshaha Dadka iyo Dalka qasin wakhtiga doorashada iyo ku dhawaaqista natiijada doorashada Madaxtooyada ee u muddaysan 13-ka bisha 11-aad 2017.

Muuse Biixi oo shalay Khudbad ka jeediyey mid ka mid ah Jaamacadaha Hargeysa, waxaannu Warkiisa iyo Qodobbo kala duwan oo uu Khudbaddiisaa kaga hadlay-ba, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed