Muqdisho Jan 13 2013 (SDN)- Waxaa Maanta Xariga laga jaray qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay Airporka caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho Aden Ade International kaasi oo lagu tababarayo Shaqaalaha waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Garoonkaasi.
Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxa kasoo qeybgalay Maamulka sare Waaxda Socdaalka iyo jinsiyadaha, wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka , safiirka dowladda Japan ee Somalia, Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, iyo Marti sharaf kale.
Xafiiska ayaa waxa si wadajir ah xariga uga jaray wasiirka arimaha gudaha C/kariin Xuseen Guuleed, Safiirka dowladdaJapanee Somalia Takata Toshohisa, oo ay dowladiisu Maalgalisay dhismaha qeybta lagu soo kordhiyay Airporka.
Ugu horeyn waxaana halkaasi ka hadlay Cabdulahi Gaafow Maxamuud oo ah Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha waxaana uu sheegay in ay tahay qeybtan mid waxii haatan ka dambeeyo lagu tababarayo Shaqaalaha si Xirfadooda kor loogu qaado.
Sidoo kale Wasiirka arimaha Gudaha C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin qeybtan cusub ee lagu hormarinayo howlaha Garoonka.
Waxaana uu dowladdaJapanuga Mahadceliyay kaalinta ay ka qaadatay Dhismahan, isaga oona tilmaamay in ay tahay mid wax badan kusoo kordhinaysa garoonka iyo Shaqaalaha xirfadooda.
SDN-Muqdisho
