|

Waaxda Xog raadinta Baadhista Xasuuqii Somaliland oo Ka Hadlay Xabaal Wadareedyo Meelo kala duwan oo Somaliland ah laga helay

Hargaysa 18.Aug 2016 (SDN/QJ):- Agaasimaha   Waaxda  Kaydka  iy o raadinta Xogta ee Guddiga Baadhista Xasuuqa ee Somaliland Mudane Cabdirashiid maxamed  Daahir oo Warbaahinta  Dawladda xafiiskiisa  ugu waramayay    ayaa ka warbixiyay Koormeer ay sedex Kooxood (three Teams)oo uu Hogaaminayo  bishan Ogost                                      ay ku soo mareen Deegaanada Ceelafweyn ,Ceerigaabo ,Togdheer iyo Saaxil   .

Xasuuqii-Dadka-Mudane Cabdirashiid maxamed Daahir  waxa  uu sheegay in Kormeer iyo Baadhitaan  ay ku soo sameeyeen Raadadka  Goobo lagu Xasuuqay dad rayid Kaas oo ay Gaysteen Ciidamadii Taliskii Siyaad Bare, waxaanu si gaar   ah   u dul istaagay  Goob ku taala Agagaarka Huteelka City Plaza ee Magaalada Burco Sannadkii 1984kii halkaas oo laga helay 43 Qof oo rayid ah oo loo sameeyay 5 Xabaal Wadareed Halka uu dhinaca kalena Sheegay inay Jiraan 12 xabaal Wadareed oo laga helay Magaalada Berbera,Isla markaana Falalkaas Xasuuqi ay dhaceen sanadadii 1988  ilaa  1991kii laguna Bartilmaameedsaday dad gaar ah oo aan  waxba galabsan .

Ugu danbeyn waxa uu  Agaasime  Abdirashiid Waxa uu u mahadceliyay Wasiirka Arrimaha dibadda ee Somaliland mudane Dr Sacad Cali shire oo  isagu lahaa  dhiirigelinta Hawshan ay  Sedexda Kooxood soo Sahamiyeen Kuwaasi oo ay kasoo qabteen  Degmooyinka iyo Goboladda dalka.

Agaasimuhu Waxa uu Fariinu diray Badhasaabyadda  iyo Maayaradda  dalka inay ilaaliyaan  Goobahaasi Xabaalo wadareedyadda ah  ee ku  yaala deegaanadooda.

Comments are closed