|

Wakaaladda Biyaha ee Hargaysa oo Qiimaha Biyaha Sicir Gaar Ah u Jartay Iyo Lambarro Loo Sameeyay Biyooleyaasha Caasimaadda DAAWO

Hargeysa  26. September 2017 (SDN/QJ):-  Wakaaladda Biyaha Hargeysa, ayaa Gaadiidka Biyaha ee loo yaqaanno DAMEER-QADIYAHA u samaysay Lambaro ama Taariko u gaar ah isla-markaana diwaangelisay.

Sidaana waxa Shaaciyey Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mr. Maxamed Cali Daarood oo Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa, waxaanu sheegay in Sababta Taarikadan loogu sameeyay tahay in lagula socdo Gaadiidkaasi Tiradooda.

Sidoo kale, Wakaaladda Biyaha ayaa Gaadiidka Biyaha ee loo yaqaanno DAMEER-QADIYAHA mid walba ku dul-qortay Qiimaha la ogol yahay inay Foostada Biyaha ah kaga iibiyaan Dadka ku dhaqan Caasimadda Hargeysa ee aanay Biyaha Wakaaladdu gaadhin, qiimahaasi oo dhan 12 kun halkii Foostaba.

“Waxaan u Mahad-naqayaa Gaadiidleyda Biyaha ee loo yaqaanno Dameer-Qadiyuhu siday u aqbaleen Qorshihii Wakaaladda ee ahaa in la kaantaroolo Qiimaha ay ku iibiyaan Biyaha.” Ayuu yidhi Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Maxamed Cali Daarood, waxaanu intaa ku daray “Wakaaladdu waxay Qolooyinka Kaalmaha Biyaha leh (sii iibiya) Foostada kaga iibisaa 1700 shilin, waxayna u ogolaatay inay sii saaran karaan 1300 Shilin, si Qiimaha ay Biyooleyaasha kaga iibinayaana u noqdo 3000 kun oo Shilin Foostadii, markaa dhibaatadu waxay ahayd Qiimaha ay Biyooleyaashu ku sii iibiyaan Biyaha, laakiin waxa ILAAHAY mahaddii ah in Arrintaasi hirgashay oo aanu Maanta Xaddidnay Sicirkii ay Dadweynaha kaga iibinayeen Biyaha, Sicirkaa oo noqon doono Halkii Foosto 12 kun oo Shilin..”

Comments are closed