|

War-Bixin: “Gacmaha Waan ka Jabay, Haddana Waxaa La Iga Sugayaa Cuntadii Iyo Iskuulladii..”

Boorama 20.October 2016 (SDN/QJ):- Markaad Aragto Da’deeda waxaad ku qiyaasaysaa Lixdan jir,dusheeda ay ka muuqato diifta iyo daranyada ay ka dhaxashay Culeyska Sibidhka Badan iyo Qoraxda daran ee Maalintii.

sawirka-war-bixintaJidhkeeda waxaa ka muuqday Daal aad u daran, maadaama ay maalin walba ka xoogsato Kuuliga ama Shaqo ka raadsato guryaha laga dhisayo  magaalada Boorama, waxaa ay Muddo Dheer ay korinaysa Caruur Agoon ah, kadib markii ay ka tageen dadkii ehelka ay la ahayd.

Diifta iyo daranyada Jidhkeeda ka muuqata waxaa u dheer inay maalin walba gurigeeda ka maqnaato Toban Saac taasi oo ka shaqeysa Kuuliga oo ah shaqooyinka ugu adag Dhulka Soomaalida, Walow ay Nolol maalmeedka caruurteeda raadinayso hadana markaad aragto isma odhanaysid waa qof ka shaqeyn karta shaqada Sidan u culus.

Maalmaha qaar shaqada sidan u adag kama hesho magaalada Boorama oo waxaabay waydaa meel ay ka shaqeyso, iyadoo maalintaasi ay xaalada caruurteeda aad uga fikirto, Maryan Bashiir, waa Hooyo Lixdan Jir ku dhaw waxaa ay Shaqadan adag ka qabataa magaalada Boorama ee Galbeedka Somaliland.

“Nolol ayaa noo gaysay inaanu ka shaqeyno kuuliga, Caruur Agoon ah iyo qaar dumaal ah oo ninkii dhalay ka cararay ayaan u shaqeeyaa oo aan iskuulada ka bixiyaa”ayey Tidhi Hooyo Maryan Bashiir.

Culeyska iyo dhibaatada aad kala kulanto shaqada adag, mar marka qaar waxaad qaadataa inaad iska tago shaqadaasi haddaba hooyo Maryan  Imisa goor ayay wax ku noqotay shaqadan culeyska badan.

“Baahi Duruufeedbaan qabnaa, Laba Gacmood waan ka jabay Midigta Kol saddexaad ayaan ka jabay, Bidixdana sanadkan, Haddana dantu waata anigoo da’daasi ah aan kuuli ku galay, waxaa la iga sugayaa iskuuladii iyo Cuntadii”ayey tidhi Hooyo Maryam Bashiir oo xaaladeeda nololeed ay adagtahay.

Comments are closed