|

War Deg Deg Ah: Codeynta Wareegii hore Doorashada oo soo dhamaatay iyo Tirinta oo bilaabatay

Muqdisho 12. January 2017 (SDN/QJ):-Waxaa goordhaw soo dhamaatay codeynta wareegii koowaad ee Doorashada Gudoomiye kuxigeenka koowaad iyo kan labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana hada bilaabatay tirinta codadka la dhiibtay.

Musharaxiinta ku tartamaya Doorashada Gudoonka Baarlamaanka gaar ahaan Gudoomiye kuxigeenada Baarlamaanka ayaa wadnaha farta kuwada haya, waxa uuna Musharax walba filan karaa guul iyo guul daro.

Doorashada Gudoomiye kuxigeenada Baarlamaanka ayaa loo badinayaa in wareega labaad loo gudbi doono hadii aanan wareega hore lagu kala bixin, waxaana suurto gal ah in tartanka uu noqdo mid adag oo si fudud lagu kala bixi waayo.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha Doorashada si toos ah ugula soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Comments are closed