|

Wargayska The Star Ee Ka Soo Baxa Dalka Kenya Oo Raali Galin Ka Bixiyay Warar Uu Hore Uga Baahiyay Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Waddani

Nairobi 11. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Wargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa raalli gelin ka bixiyay warbixin uu hore uga qoray wefti guddoomiyaha Waddani hoggaaminayay oo Nayroobi tagay bishii hore.

Wargeyska ayaa hore u sheegay in kulan midnimada Somaliland iyo Somalia ku saabsan dhexmaray Musharrax Cabdiraxmaan Cirro iyo ra’isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid oo haatan u ordaya musharraxa madaxweyne.

“Xisbiga ugu muhiimsan mucaaridka Somaliland, ayaa si kulul u beeniyay inay raadinayaan inay dib u midoobaan Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo doorashada la galayo sannadkan. Somaliland  ayaa madax-bannaanayd tan iyo 1991-kii markii uu burburay taliskii Siyaad Barre.

23-kii Bishii December ee la soo dhaafay wargeyska The Star, wuxuu qoray qormo uu ciwaankeedu ahaa: “Somaliland waxay u socotaa inay dib ula midowdo Soomaaliya oo ay kala maqnaayeen 25 sannadood.” qoraalkaas wuxuu ahaa  mid xayasiis ahaan loogu talogalay oo wargeyska gashay.

Warbixntaasi  waxay sheegtay  in Guddoomiyaha xisbiga WADDANI,  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, isla markaana ah Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda oo uu hayay  11-kii sannadood ee la soo dhaafay  uu Ra’iisul-wasaaraha    Soomaaliya Cumar Sharmaarke kula kulmay hudheelka Sarena ee magaalada Nairobi.

 

Si kastaba ha noqotee, waxa hubaal ah in maqaalkaas ay been abuureen cidda  xafiltanka siyaasadeed  ka dhaxeeyo xisbiga WADDANI, isla markaana sawirka Cabdiraxmaan iyo Sharmaarke la isu geegeeyay saddex sawir oo kala duwan (photoshopped). Doorashooyinka Somaliland oo la filayo  inay qabsoomaan Bisha March ee soo socota, ayaa lagu wadaa in si kulul loogu tartamo.”

“Waxaan ku celinayaa inaan aniga iyo xubin ka mid ah weftigaygii midkaayana  la kulmin Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya. Weftigaygii iyo aniguba  (Cirro) ma aanu  ka hadlin wax dib u midow ah oo aannu la galayno Soomaaliya.Xisbiga WADDANI waxa uu u taagan yahay jiritaanka Somaliland iyo madax-bannaanideeda,”ayuu  ku yidhi Cabdiraxmaan Cirro qoraal uu soo gaadhsiiyay the Star.

 

“Talaabadii Somaliland kaga baxday heshiiskii 1960-kii, waa go’aan shacbiga Somaliland gaadhay oo  waafaqsan dastuurka Somaliland oo dastuurka xisbiguna (WADDANI) si buuxda u ayidsan yahay,”ayuu Cirro hadalkiisa ku xoojiyay, waxaannu intaas ku kabay, “Waxaannu rumaysan nahay in maqaalkaasi uu ahaa ihaano iyo ceeb hoos loogu dhigayo aayo ka tashiga iyo iraadada Somaliland. waxa kaloo  aanu aaminsan nahay in qoraalkaasi ahaa mid uu sameeyay qof caan ku ah cadowtooyada himilooyinka shacabkayaga iyo xaqa aayo ka tashigayagaba.”

 

“Waxa kaloo uu qoraalkaas la dhalan rogay xaqiraad ku ahaa  socdaalkii najaxay ee aanu ku tagnay  Nairobi. Waxa uu runtii ahaa dagaal cad oo lagu soo qaaday nabadda cagaha adag ku taagan ee Somaliland ku guulaysatay ee ay kaga dhex mudhay mandaqadda gobolka,”ayuu ku dooday Cabdiraxmaan Cirro.

Geesta kalena,  Tifaftiraha wargeyska the Star Mr. Charles Kerich, oo ka hadlay arrintan, waxa uu yidhi, “Waxaanu leenahay shuruuc adag oo ay noogu kala soocan yihiin faallooyinka iyo qormooyinka  xayaysiiska ah. waxa dhibaatan sameeyay qof aan la aqoonsan oo aan nala shaqeynin. Waxa imika la qaadayaa facaa’il looga dan leeyahay in waxan oo kale aanay dib u dhicin.”

 

GUJI HALKAN SI AAD WARKA CUDUR DAARKA WARGAYSKA THE STAR U DAALACATO ISAGOO ENGLISH AH

Comments are closed