Uncategorized

Wariyeyaashii Xidhnaa Ee TV-ga Universal Cawil Daahir Salaad iyo Cabdillaahi Kulmiye Oo Lasii Daayay

Muqdisho,7Oct,2015(QJ/SDN)-Wariyeyaashii Telefishinka Universal ee u xidhnaa dowladda Soomaaliya ayaa maanta lasii daayay, kaddib dadaallo badan oo lagu bixiyay sidii ay dib xorriyadooda ugu heli lahaayeen.

Agaasimihii Bariga Afrika ee Universal Tv, C/llaahi Kulmiye Xirsi iyo Cali Daahir Salaad soo saaraha barnaamijka Dood-wadaag oo ahaa sababtii loo xidhay ayaa dib xorriyadoodii loo siiyay.

Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin sababta ka dambeysay in lasii daayo labadan wariye, iyadoo dhawaanahan dambe ay soo baxayeen baaqyo kala duwan oo lagu dalbanayay in lasii daayo wariyeyaashan.

Balse, guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay kala hadleen sii daynta wariyeyaashan xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, Dr. Axmed Sheekh Cali Daahir, uuna ka ogolaaday in lasii daayo wariyeyaashan,

Sidoo kale, war-saxaafadeedka kasoo baxay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in arrinta ku saabsan xildhibaannada ka qayb-galay doodda looga hadli doono baarlamaanka gudihiisa, arrintoodana loo gudbin doono guddiga anshaxa baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Wariyeyaashan ayaa muddo lix maalmood ah ku xidhnaa xabsiga haya’adda nabad-sugidda Soomaaliya ay ku leeyihiin Muqdisho, iyadoo sidoo kale la fasaxay xafiiska Universal ay ku leedahay Muqdisho, kaasoo la xidhay 02-dii bishan, markaasoo la xidhay labadan wariye.

 

Ugu dambeyntii, sii daynta wariyeyaashan ayaa waxaa warbaahinta qaybaheeda kala duwan u xaqiijisay Naciimo Ciise oo ka tirsan maamulka xafiiska Universal Tv uu ku leeyahay magaalada Muqdisho.

 QJ/SDN: Muqdisho