|

Wasiir Caddaani oo Gudoomiye Cirro ka Dalbaday inuu Shaqaalaha TV-ga & Idaacadda Dawladda ka Raalli-geliyo Hadal uu yidhi

Burco 11. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ka dalbaday inuu Shaqaalaha Warfaafinta dawladda ee Idaacadda Raadyoow Hargeysa iyo TV-ga Qaranka ka raalligeliyo hadal ka soo yeedhay dhawaan oo uu ku sheegay in Idaacaddu la mid tahay tii sababta u ahayd inuu dhaco Xasuuqii dalka Rwanda ka dhacay 1994-kii oo galaaftay nolosha Sidddeed Boqol oo Qof, TV-guna la mid yahay.

Musharrax Cirro oo ka jawaabayey Hadal Idaacadda iyo TV-ga dawladdu baahiyeen oo ay sheegeen in laga soo xigtay Baraha internet-ka ee Bulshadu ku kulanto, gaar ahaan Shabakadda Whatsap-ka loo yaqaan oo ay ka soo qaateen Codad u hanjabaya Wasiirka Warfaafinta Somaliland, kuwaas oo ay sheegeen inay yihiin ama ahaayeen Xubno ka tirsan Xisbiga Waddani. Waxaanu Cirro sheegay inay waxaasi yihiin wax Bulshada dhibaato u horseedi kara, Idaacaddii Qarankuna noqotay tii Rwanda oo kale, TV-guna waxba dhaamin.

Hase-yeeshee, Wasiir Caddaani oo Saxaafadda qaarkeed kula hadlay magaalada Burco oo ay isaga iyo Wasiirro kale oo Xukuumadda ka tirsani ku sugnaayeen, ayaa yidhi; “Guddoomiyuhu wuxuu ka hadlay wax aan taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland hore u soo marin oo runtii wax lala yaabo ah. Ta kale ee layaabka lihi waxa weeye maalintii ka horreysay Salaaddiintu waxay ka hadleen oo la isugu keenay Asxaabta dalka ka jirta sidii loo joojin lahaa Dacaayadaha.”

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, waxa uu intaas ku daray; “Maaliniba kamay soo wareegin markii Guddoomiyaha Waddani Idaacadda Raadyoow Hargeysa waxa weeye Idaacaddii Rwanda, TV-ga Qarankuna ma dhaamo, waa meel dacaayad iyo been laga abuuro. Garan maayo inuu fahansan yahay Idaacadda Rwanda macneheedu wuxu yahay. Idaacadda Rwanda waxa weeye Idaacad xasuuq loogu talo-galay.”
“Waxaan u sheegayaa ummadda reer Somaliland iyo Guddoomiyaha-ba, Raadyoow Hargeysa waa Idaacad Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland uu leeyahay, waa Raadyoow siduu sheegay aan Qaran-dumis u taagnayn ee u taagan dhismaha dalkan illaa maalintii la abuuray illaa maanta, Wasaaraddaasna toddoba boqol illaa siddeed Boqol oo shaqaale ahi ay ka shaqeeyaan, TV-ga Qarankuna waa la mid, haddaanu fahansanayn oo uu hadalka iska odh-odhanayo Guddoomiyuhu, waxaannu leenahay Shaqaalaha intaas le’eg ee aad meel kaga dhacday ee Muwaaddiniinta Somaliland ah waxay kaa mudan yihiin inaad siiso raalligelin.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Caddaani.

Comments are closed