|

Wasiir Ku-xigeen Xukuumadda Siilaanyo ka tirsan oo Shaaciyey inuu KULMIYE ka baxayo & Sababta DAAWO

Hargaysa 03.Sep 2016 (SDN/QJ):- Wasiir Ku-xigeen ka tirsan Xukuumadda talada Somaliland haysa ee Madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyo, ayaa shaaca ka qaaday inuu ka baxayo Xisbil-xaakimka KULMIYE haddii Barnaamijkiisa siyaasadeed ee qoraalkiisa wakhtigan gacanta lagu hayo lagu soo daro in 26-ka bisha June laga dhigo maalinta Qaranka Somaliland oo laga guuro 18-ka May oo hadda sannad kasta si weyn looga xuso Somaliland.
biin26-ka June ayaa ah maalintii ay Somaliland xornimada ka qaadatay Gumaystihii Ingiriiska oo muddo dhawr iyo siddeetan sannadood ah xukumayey, balse ay si sarmi ah uga xoroowday 26 June 1960-kii, markaasoo Hargeysa laga taagay Calankii ugu horreeyey ee ummad Soomaaliyeed leedahay, isla markaana muddo shan cisho ah ka dib waxay la midawday sida Qorshuhu ahaa Koonfurta Soomaaliya oo ka xoroowday Gumaystihii Talyaaniga 1-dii July 1960-kii, taasoo Soomaalidu si weyn u xusto sannad kasta, waagii horena Somaliland laga xusi jiray, balse gadaal laga joojiyey.

Hase-yeeshee, Siyaasiyiin, Aqoonyahaniin iyo Masuuliyiin kala duwani ay sannadkan 2016-ka soo jeediyeen in halka ay Somaliland ka waynayso 18-ka May oo ah maalintii magaalada Burco lagaga dhawaaqay gooni-isu-taagga Somaliland sheegtay inay kaga go’day dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya 18 May 1991-kii, loo baahan yahay in la weyneeyo 26-ka June oo ah maalin caalamka ka diiwaangashan oo dunidu aqoonsantay in Dhulka Somaliland Xornimada ka qaatay Boqortooyada Ingiriiska, taasoo ay ku doodeen ama dooddooda ku sababeeyeen in Aqoonsiga Somaliland muddada 25-ka sano ah raadinayso u noqon karto jid ay u marto oo ay dunida kaga dooddo.

Haddaba, Wasiir Ku-xigeenka Maamulka gobollada iyo degmooyinka ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Jaamac Cabdillaahi Biin oo Saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay haddii Barnaamijka dib u habaynta lagu wado ee Xisbiga KULMIYE doonayo inuu kaga qaybgalo doorashooyinka sannadka soo socda lagu soo daro in Maalinta Somaliland tahay 26-jun uu ka bixi doono KULMIYE.

Comments are closed