|

Wasiirada iyo Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland oo qaadacay Qodobadii Shirkii & Tawaawacooda Muqdisho DAAWO

Muqdisho 10.Aug 2016 (SDN/QJ):-Wasiirada,Xildhibaanada iyo Odayaasha ka soo jeeda Somaliland oo Galabta ku shiray Magaalada Muqdisho ayaa qaadacay Qodobadii ka soo baxay Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran.
Kulanka ayaa waxaa ka hadlay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana ka soo jeeda Gobolada Waqooyi Ee Dalka Soomaaliya oo hadda Somaliland ay Maamusho.
Xildhibaanada Kulanka ka hadlay ayaa sheegay in aysan Quseyn Qodobadii ka soo baxay Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran ee Muqdisho lagu soo Afmeeray Galinkii dambe ee Shalay.

Comments are closed