|

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Kuuriyadda Waqooyi oo Nidar ku Maray inay Dhulka soo Dhigi doonaan Diyaaradaha Maraykanka

New York 26. September 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Arrimaha dibada ee waqooyiga Kuuriya ayaa ku eedeeyey madaxweynaha  Maraykanka Trump inuu ku dhawaaqay dagaal uu la galayo dalkiisa.

Ri Yong-ho wasiirka arrimaha dibadu wuxuu warbaahinta ugu warramay magaalada New York, oo uu sheegay inay xaq u leeyihiin inay toogtaan oo ay dhulka soo dhigaan diyaaradaha maraykanka ee Bambooyinka xambaara, xitaa haddii aanay soo gelin hawada waqooyiga Kuuriya.

Wasiirku wuxuu intaasi ku daray inuu adduunku si cad u xasuusto cidda dagaalka bilaabaysa. Maaha markii ugu horaysay ee waqooyiga kuuriya ay adeegsato kelmada ah in dagaal loo caddaystay.

Ri Yong wuxuu ugu dambayntii sheegay marka la eego xaalada uu Trump dagaalka kaga dhawaaqay inay waqooyiga kuuriya hogaamiyahoodu ay miiska u saaran yihiin dhammaan tallaabooyinkii uu kala dooran lahaa.

Wasiirka arrimaha dibada ee waqooyiga kuuriya ayaa hadalkan jawaab uga dhigayey, qoraal uu madaxweyne Trump soo dhigay bartiisa Tuwiitarka, kaasi u dhignaa inay wasiirka arrimaha dibada iyo madaxweynaha waqooyiga kuuriya haddii ay ku sii adkaystaan nacaybka ay kula dhaqmayaan maraykanka aanay waxba sii jirin doonin labadoodu.

Wasiirka arrimaha dibada ee Waqooyiga kuuriya wuxuu khubada ka jeediyey golaha amaanka ee Qaramada midoobay sabtidii, waxaanu madaxweyne Trump ku tilmaamay nin aan maskax ahaan deganayn, oo uu ka buuxo masayr, sidoo kalena aaminsan hawl is-qarxin ah.

Labada dhinac waxa ay beryihii dambe dhexmarayey fiinta oo waxa ay is-weydaarsanayeen kelmado xambaarsan dagaal iyo kicin.

Khuburuda u dhuundaloola dublamaasiyada ayaa sheegay inay dhammaan erayadani ay keeni karaan dagaal toos ah oo dhexmara labada dhinac.  Waqooyiga kuuriya ayaa weli soo wada tijaabinta gantaalaha Balatiga ah, iyada oo ay qaramada midoobay ku soo rogeen dhawr cunaqabateynood.

Comments are closed