|

Wasiirka Arrimaha Guduhu Muxuu Ka Yidhi Dagaal Beeleedkii Dararweyne ?

Hargaysa 24. January 2018 (SDN/QJ):-Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed. ayaa si adag uga hadlay Dagaal laba Beelood oo Walaalo ah ku dhex maray degaanka Dararweyne oo hoos-taga Degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Wasiirka Arrimaha guduhu wuxuu sheegay in Labada Beelood ee ku dagaalamay Dararweyne ay dhowr jeer oo horeba sidan oo kale u dagaalameen, balse Dagaalkii u dambeeyay sababay khasaare ka badan khasaare ay geysteen Dagaalladii hore, taasina tahay wax laga xumaado oo aan loo baahnayn.

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Dhacdada Degmada Ceel Afweyn way soo noqnoqotay, laakiin tii Maalintii dhawayd dhacday waxay ahayd tii ugu cuslayd oo Murugo aad iyo aad u ballaadhan xambaarsan.”

Wasiirku wuxuu sheegay in Xukuumaddii hore dedaal u gashay inay Xal kala dambays ah ka gaadho Colaadda labada Beelood isla-markaana dhul la deegaameeyay burburisay, sidaasi darteed aanay garanayn waxa keenay Colaaddan cusub keenay “Xilliyo hore waa la iskugu tagay, hadday Xukuumadda Somaliland tahay, hadday Golaha Guurtida tahay, Wasiirrada iyo hadday tahay Salaadiinta Somaliland tahayba Culays xoog ahba waa la saaray, si Nabad loo helo waxay noqotay la burburiyo Dhulkii la deegaameeyay, lama filaynin Maanta inay dhacdadaasi dib u soo noqoto, weliba inay khasaare intaa leeg la soo noqoto lama filaynin.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu farriin u diray Dhinacyada Dagaalamay “Waxaan ku wargelinayaa labada dhinacba waxa lagama maarmaan ah oo qasab ah in shaqaaqadani halkaasi ku eekaato, oo colaad dambe oo sababtay dhimasho iyo dhaawac badan aan la samaynin, Waayo? Imika tiro konton wax yar ka yar ayaa dhimasho iyo dhaawac ah, Caqli maaha, Macquulna maaha, dareenka Bani-aadamkuna wuu wada diidayaa.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray  “Haddii Maanta la yidhaahdo Dadkaasi maxay ku dhinteen, tirada intaas leegna maxay ku dhaawacmeen Cid sababaynaysaa ma jirto, Waayo? Markay wax dhacayaan waa inay sababteeda lahaataa, markaa taasi waxay Caddaynaysaa in taasi aanay caqli saliim ah ku dhicin. Waxa Cad in Dadkii nabadda iyo wanaagga jeclaa inay ka xoog roonaadeen Dadkii balaayo abuurka ahaa oo ay Colaaddan sidan u abaabuleen, markaa labada dhinacba waxaan ugu baaqayaa inay colaadda joojiyaan oo Dadka dhibka laga daayo.”

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland wuxuu sheegay inay Xukuumad ahaan Go’aansadeen inay Culays badan saaraan sidii loo dhamayn lahaa Colaadda Ceel Af-weyn “Xukuumad ahaan waxa la gaadhay Go’aan ah in Culays la saaro Arrinta  Nabadgalyada, Ciidammadii Qaranka waalla geeyay, Madaxweyne ku-xigeenkiina wuu joogaa, markaa waxaanu doonaynaa in Gacan la siiyo Maamulka Gobolka, Ciidammada amniga ee illaa Hargeysa laga qaaday ee Booliiska iyo Ciidammada Qarankaba ah ee Nabadgalyada ka shaqaynaya.”ayuu yidhi.

Comments are closed