|

Wasiirka Gaashaandhiga ee Dalka Qatar oo Maanta la filayo inuu Kulan Kula qaato Magaalada Istanbul Dhigiisa Turkiga

Istanbul 30. June 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka difaaca ee Dalka Qatar ayaa shalay gaadhay Wadanka Turkiga ayaa la filayaa inuu Jimcaha Maanta la kulmi doono dhigiisa Dalka Turkiga Fikri Oshiiq, sida ay baahisay wakaalada wararka ee Anadool.

Booqashada Wasiirka Difaaca Qadar waxa ay ku soo beegmaysay iyadoo ay gebagebo tahay xiligii ay dalalka Khaliijku u qabteen inay Dawlada Qatar ku fuliso dalabaadkii ay shuruuda uga dhigeen xidhiidh dambe oo ay la yeeshaan iyo inay cunoqabataynta ka qaadaanba.

Sida la ogyahay Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan ayaa hore u sheegay inay taageerayaan dawlada Qatar, sidoo kalena ku sifeeyey cunaqabataynta la saaray inay tahay mid ka baxsan bani’aadanimada iyo islaanimadaba.

Comments are closed