|

Wasiirka Hawlaha Guud Oo Ka Jawaabay Eedaymo Uu Shalay Guddoomiyaha UCID U Soo Jeediyey DAAWO

Hargaysa 21. September 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali-Mareexaan), ayaa ka jawaabay eedaymo uu Shalay u soo jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe

Guddoomiyaha UCID oo Shalay hadal ka jeediyey Munaasibad loo qabtay Arday ka qallin-jebiyey Jaamacadda Hargeysa, ayaa sheegay in mar uu Boorama booqday ay Dadweynaha Reer Boorama uga cawdeen Wasiirka Hawlaha Guud, kaasi oo ay ku eedeeyeen buu yidhi inuu iibinayo Xarunta Badhasaabka Gobolka AWDAL, laakiin Wasiir Cali-Mareexaan oo Maanta Saxaafaddu waydiisay waxa uu kaga jawaabayo eedaymaha uu Faysal Cali Waraabe u soo jeediyey, ayaa sheegay in eedaymahaasi yihiin kuwo aanay waxba ka jirin oo been abuur ah.

Comments are closed