|

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo Shacabka Somalia ee Muqdisho ku dhaqan ka Tacsiyadeeyay Qaraxii doraad Kana Falceliyey Hadal ka soo Yeedhay Mas’uul ka Tirsan Dawlada Somalia DAAWO

Hargaysa 16. October 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane Cismaan C.laahi Saxardiid Caddaani ayaa Maanta Dhanbaal tacsi ah u diray Shacabka Somalia ee dhibaatadu ka soo gaadhay Qaraxii Aragagixiso ee ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid Caddaani ayaa yidhi;

“Qarax naxdin leh oo aad u fool xun oo ay gaysteen dad aan cidna u naxayn halkaasi oo ay ku geeriyoodeen boqolaal qof, kuna dhaawacmeen tiro intaas ka badan, sidaas darteed anigoo ku hadlaya magaca Somaliland waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii iyo qaraabadii ay ka baxeen dadkaasi, mid taas la mid ahna waxaan u dirayaa madaxda iyo shicibka Soomaaliya, waxaan cambaaraynaaa falalkaas waxashnimadda leh cid kasta oo ka dambaysay.

Waxa la yaab leh in qof masuul ah oo xil ka haya dawladda Muqdisho uu ku baahiyey Twitter-kiisa inay Somaliland ka dambaysay falalkaasi, anigu waxaan odhana lahaa ninkaasi laftiisa ayaa baadhis u baahan waayo waxa uu ku hadlayaa waa majaro habaab”

Comments are closed