|

Wasiirka Waxbarashada Oo Soo Xidhay Carwadii Bandhiga Jaamacadaha Dalka Ee Hargeysa Ka Socotay

Hargeysa,2,8,2016 (QJ/SDN) – Carwadii Jaamacaddaha oo muddo laba cisho ah ka socotay  magaalada Hargeysa ayaa si rasmiya loo soo gaba gabeeyey.

Carwadan oo ay ka qayb galeen 32-jamacadood oo ku kala yaala Magaalooyinka kala duwan ee dalka ayaa lagu qabtay Guuleed Hotel waxaana maalgaliyey midawga yurub,waxaana fulisay Save The Children, halka Wasaaradda Waxbarashada gaar ahaan Agaasinka Taclinta sare ay qayb libaax leh ka qaateen.

Jaamacadaha ka qayb galay carwadan ayaa ku soo bandhigay  aqoonta kala duwan ee ay ardayda u dhigaan, sidoo kale waxa ay jaamacad walba la siiyay wakhti ay ku soo jeediso hal mawduuc, taasi oo qiimayn lagu samaynayay hababka ay u soo kala jeedinayaan mawduucyada iyo mawduucyada ay kala qaateen soo jeedintooda.

Ugu horayna waxaa faahfaahin ka bixiyay qaabkii ay u dhacday carwada jaamacaduhu Agaasimaha Tacliinta Sare ee wasaarada waxbarashada  Yuusuf Axmed Cali waxaanu yidhi “Waxaynu halkan ku qaadanay laba cisho oo aynu kaga faa’iidaysanay dhaqankii, siyaasadii, dhaqaalihii iyo aqoontii kalaba, waxayna caawa soo gaadhnay gabagabadii,waxaynu shahaadooyin gudoon siin doonaa dadkii iyo jaamacadihii labadii cisho ee ay socotay carwadu dadaalka badan muujiyay, mudana in shahaadooyin la gudoonsiiyo”

Agaasimaha tacliinta sare ayaa sidoo kale sheegay inay jirtay guddi qiimaynaysay jaamacadaha mudadii ay socotay carwadu, kuwaas oo jaamacadaha ku qiimaynayey sida ay waxbarashadooda ugu soo bandhigeen carwada, waxaana shahaadooyin la gudoonsiiyey sadexdii jaamacadood ee kaalmaha hore ka galay qiimayntii guddida.

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee somaliland Cabdilaahi Ibraahin Habane oo ka hadlay xidhitaanka carwadan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in carwo noocan oo kale ah ay iskugu yimaadaan jaamacadaha dalku waxaanu yidhi “Dhamaan jaamacadihii ka soo qayb galay ee weliba meesha fog ka yimid sida Badhan, Laascaanood, Ceerigaabo aad iyo aad ayay u mahadsanyihiin, jaamacadaha sida firfircoon u soo bandhigay casharadooda  aad ayay u mahadsan yihiin, waxaa loo baahan yahay in ladaabaco oo hal buug laga dhigo saddex iyo tobanka mawduuc ee ay jaamacaduhu soo bandhigeen, diyaarna waanu u nahay arinkaa waxaanan agaasimka guud ee tacliinta sare  farayaa inay keeneen mawduucyadaas si loo daabaco.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi” Anaga waxay noola muuqatay in ardaydu ay u baahan yihiin wakhti badan oo laga dhiso luuqadaha Ingiriisiga, carabiga iyo Afsomaliga ujeedaduna waa tayaynta wax barashada, arintaa tayaduna sidaan hore u sheegay macalinka oo la tayeeyo mooyee ma suuroobayso, maantana waxaanu bilawnay dhismihii kuliyada tobobarka macalimiinta, waxaanu noqon doonaa hoygii waxbarashada macalimiinta”

Waxaa sidoo kale xidhitaankii carwada hadalo ka jeediyay qaar ka mida masuuliyiinta jaamacadihii kasoo qayb galay carwada, kuwaas oo dhamaantood xusay faa’iida ay leedahay in carwo noocan oo kale ah ay jaamacadaha Somaliland ku kulmaan.

Comments are closed