|

Wasiirul Dawlihii Hore ee Arrimaha Dibada Dr Maxamed Rashiid oo Madaxweyne Siilaanyo uga Mahadceliyey Mudadii ay soo wada shaqeeyeen

Hargaysa 17.Aug 2016 (SDN/QJ):- Wasiiru-dawlihii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Mudane Maxamed Rashiid Sheekh Xasan oo ka mid ahaa masuuliyiinta isku-shaandhayntii uu madaxweyne Siilaanyo xilka kaga nasiyey, ayaa qoraal kooban oo uu ku cabbirayo dareenkiisa la xidhiidha xil ka qaadistan iyo xidhiidhka isaga iyo madaxweyne Siilaanyo.

Maxamed Rashiid Sheekh XasanMudane Dr. Maxamed Rashiid oo ah aqoonyahan, qoraa iyo saxafi, muddo dheer ku soo jiray siyaasadda Somaliland ayaa qoraalkiisa ku yidhi sidan:

 

Ujeedada guud ee aan maqaalkan kooban u soo qoray waa in aan uga mahad celiyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” saaxiibtinimadayada iyo halganka aanu ugu wada jirnay uguna jirno madax-bannaanida iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Markii aan ku arkay wargeysyada dalkeena Somaliland ka soo baxa isku shaandhayntii ballaadhanyd ee uu madaxweynuhu sameeyay, waxa aan u arkay in ay tahay go’aan sax ah oo uu madaxweynuhu qaatay maadaama oo aan xilka muddo ka maqnaa.

 

Waxa farxad ii ah in aan qayb ka ahaa dawladda uu madaxweynaha ka yahay Ahmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” muddadaa dheer.

 

Gunaanand

 

Waxa aan halkan ku caddaynayaa in aan hore aniga oo aan wasiir ahayn aan si hagar la’aan ah ugu shaqeeyay dalka. Haddii aan wasiir ahay iyo haddii aanayn ahayn waxa iga go’an in aan halkaa ka sii wado halganka aan ugu jiro sidii ay Somaliland ay uga mid noqon lahayd caalamka, una gaadhi horumar.

 

Sidoo kale waxa aan masuuliyiinka ila mid ka ah aan ku boorinayaa in ay wadanka u shaqeeyaan haddii ay xil hayaan iyo hadii ayna haynba.

Comments are closed