|

‘’ Waxaan Qaatay Maanta Go’aan Qadhaadh,Umaan Tanaasulin Muuse Biixi,Umaan Tanaasulin Kulmiye Balse Waxaan u Tanaasulay Nabada,Iyo Wada Jirka Shacabka Somaliland,Waxaan Leeyahay Dantayda Damacayga Gaarka ah uma Burburinayo ‘’ Murashax C.raxmaan Cirro DAAWO

Hargaysa 21. November 2017 (SDN/QJ):-Murashaxa Jagadda Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro oo Caawa Warbaahinta la Hadlay ayaa Sheegay in Isagoo eegaya Danta Qaranka uu aqbalay Natiijadii Guddida doorashooyinku ay ku dhawaaqeen Waxaa Kale oo Gudoomiye Cirro soo Jeediyey in la sii Daayo Saraakiil iyo Taageerayaal Xisbiga Waddani ka tirsan oo Maalmihii u danbeeyay la Xidhay,Halka uu Xukuumaddana ka dalbaday inay Bixiso Magta dadkii ku dhintay iyo Kuwii ku dhaawacmay rabshado dhawaan ka dhacay Magaalooyinka Hargaysa iyo Burco.

Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro waxa uu hoosta ka xariiqay inuu aaminsan yahay in Doorashadii Madaxtooyadu ay ahayd mid aan u dhicin si Xor iyo Xalaal ah isla markaana ku shubasho baahsani ay ku gedaaman tahay.

Comments are closed