|

‘’Waxaan Rumaysnahay inaan Gobolka Gebilay Iyo Awdal Codad badan ka helayo Martina aanan ku ahayn’’ Murashaxa Madaxweyne ee Waddani DAAWO

Hargaysa 12. September 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ahna Murashaxa Jagada madaxweyne ee Xisbigaasi Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro oo ka hadlayay Madal uu Xisbigiisu ku soo dhawaynayay Sagaal Xidhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka Sallaxley ayaa sheegay in Xisbiga Kulmiye Markii uu Gobolada galbeedka marayay uu yidhi Xisbiyada kale waa ku marti isla markaana uu kala qaybinayo Bulshada waxaanu xusay inuu aaminsan yahay in 80% Dhulka Somaliland uu Hargaysa dhanka bari ka xigo isla markaana ay xisbiyadu wada leeyihiin oo aanu Jirin Xisbi keligii deegaan sheegan kara.

Waxa uu C.raxmaan Cirro ku dooday inuu Rumaysan yahay in Gobolka Gebilay Iyo Awdal uu Codad badan ka heli doono isaga oo sida uu yidhi marti ku ahayn.

Comments are closed