|

Weerarro Dad Badan Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Woqooyi Bari Dalka Suuriya

Xasakah.31Dec,2015(QJ/SDN)-Khasaara xooggan ayaa ka dhashay weeraro ka dhacay waqooyi Bari wadanka Suuriya.

Wararka ka imaanaya gobolka Xasakah ayaa sheegaya in weerarkii ugu horreeyay lagu qaaday goob ay ka socdeen dabaaldegyada sanadka cusub oo ay dhiganayeen kooxo calmaaniyiin ah.

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay qaraxyo lala helay makhaayado lagu cunteeyo oo kuyaal magaalada Alqaamishli oo u kala qeybsan dhanka  Suuriya iyo Maleeshiyaadka PKK.

Wakaaladda Wararka Acmaaq ayaa baahisay in weerarada oo mid ka mid ah uu ahaa qof naftiisa hore ah ay mas’uuliyadiisa sheegatay dowladda Islaamiga ah ee DAACISH,sarkaal u hadlay kooxaha kurdiyiinta ayaa sheegay in weerarkan uu saameyn badan ku reebay magaalada Qaamishli

Waa weerarkii ugu horreeyay ee lagu qaado goob lagu dhigayay munaasabad loogu dabaal degayay curashada sanadka cusub miilaadiga 2016.

Comments are closed