|

Weriye Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo Maxkamada Degmada Hargaysa Maanta Ku Riday Xukun Laba Sano oo Xadhig ah & Dooda Qareenadiisa

Hargaysa 08. April 2017 (SDN/QJ):-Maxkamada DegmadaHargeysa oo gacanta ku heysay kiiska dambiyada loo heestay Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon ayaa ugu dambeyn saakay xukun xabsi ah ku riday Wariyaha oo hada ku xidhan xabsi ku yaala Hargeysa.

Qaadiga Maxkmada qaaadeysay dacwadaha loo heestay Wariye Coldoon ayaa ugu dambeyn ku dhawaqaay in Maxkamada ku riday labo sano oo xadhig ah ,kadib markii uu sheegay in cadeemo loo helay dacwadaha uu ku eedeesnaa Wariyaha.

Xeer ilaalinta Somaliland ayaa kusoo eedeeyay Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon in uu u gafay Madax katirsan  Somaliland sidoo kale uu taageero cad u muujiyay Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo.

Qareenada u doodayay Wariye Coldoon iyo Eheladiisa ayaa kasoo horjeestay xukunka ay Maxkamada ku riday Wariyaha, waxa ayna sheegeen in ay racfaan ka qaadan doonaan xukunka xabsiga ah ee lagu riday Coldoon.

Wariye Cabdi Maalik Coldoon oo ah Wariye Sama fale ah oo bulshada caan ka dhax noqday ayaa in mudo ah ku xidhnaa xabsiga magaalada Hargeysa, waxaana Wariyaha loo xidhay in uu taageeray Farmaajo iyo in uu jecel yahay in Somaliland ay Soomaaliya kasii mid ahaato.

Comments are closed