|

Xaaska Madaxweynaha Zimbabwe oo Maxkamad la soo Taagayo Kadib Markii ay Gacan u qaaday Haweenay ay Hoteel wada Deganaayeen

Johannesburg 18. August 2017 (SDN/QJ):- Haweeneyda u dhaxda Madaxweynaha Zimbabwe, Grace Mugabe ayaa la soo taagayaa maxkamad ku taalla magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ka dib markii lagu eedeeyey inay u gacan-qaaday haweeney kale oo ay hotel wada degenaayeen.

Grace ayaan la dhigin xabsiga maadaamaa ay adeecday amarada booliiska, balse waxaa la soo taagayaa maxkamad sida uu sheegay Wasiirka booliiska Koonfur Afrika Fakile Mbalula.

 

Booliiska ayaa xaqiijiyey in Grace ay kasoo dacwootey haweeney 20 jir ah oo sheegtey in ay dhaawac gaarsiisey xaaska Mugabe.

 

Grace Mugabe ayaa la sheegey inay habeenkii axadda. u gacan-qaaday haweeneydan oo ah kuwa dharka xayaysiiya ka dib markii ay u tagtay iyadoo qol kula jirta wiilal ay dhashay hotelka Capital 20 West ee xaafadda Sandton.

Grace ayaa la sheegey in ay Koonfur Afrika u joogtay sababo la xiriira caafimaad, iyada oo dooneysay in ay iska daweyso dhaawac kasoo gaaray anqowga bishii hore shil gaari oo ay gashay awgiis.

 

Garyaqaan u hadlay wasaaradda arrimaha dibada Koonfur Afrika ayaa warbaahinta dalkaasi u sheegey in sharciga xasaanadda diblumaasiyadeed uusan difaacaynin Grace maadaamaa aysan ka mid ahayn dowladda Zimbabwe, oo kaliya ay tahay xaas madaxweyne.

 

Wasiirka warfaaafinta Zimbabwe Christopher Mushowe ayaa sheegey in uusan ka warhaynin eedeymaha loo jeediyey xaaska madaxweyne Mugabe.

Comments are closed