|

‘’Xidiguhu Cabdooyow Halkii Xalay Ma Joogaan’’ Cali Guray

Hargaysa 16.Sep 2016 (SDN/QJ):-Israaiil oo taageeradii milatari ee ugu badnayd abid ka heshay Dalka Maraykanka(38 billion)

Xaaladda Bariga Dhexe ayaa sabab u ah. Xulafadii maraykanka ee carbeed ee wadamada khaliijku iyaga oo markii horeba danahooda istraatejiga ah aan aragti ka lahayn gaar ahaan dhincyada dhaqaalaha iyo amniga ayanay maantana meel ku lahayn waxna ka ahayn quwadaha gobolka Bariga Dhexe ku hirdamaya wax miisaan ahna la yeelan doonin quwadaha kale ee ku tartamaya ee ka baxsan gobolka.

Markaa maraykanka laftiisu isaga oo isha ku haya taa arkayana ama ugu talogalayba burburinta quwad kasta oo carbeed oo halis ku noqon karta Israaiil ma aqbali karo in Irana ay noqoto quwadda ugu wayn ee yeedhinaysa loona daba fadhiisanayo arimaha Beriga Dhexe. Ruush iyo Iran oo wada yeeshay dano istraataji ah iyo Ciraaq iyo Suuriya oo Dawlado Shiico ah oo Iraan taageersani ka taliyaana arkaya, iyo weliba Labnaan marka lagu daro waa run in khatartii Iran ay garaacayso albaabada Israaiil oo ah Maraykan ee aan wax kale ahayn. Taas macnaheedu waa maraykanka oo danihii uu ku lahaa Bariga Dhexe ay khatar ku jiraan.Tan kale Sucuudiga oo isu dhigaya inu hogaaminayo Suniga Bariga Dhexe wixiisu waa ambabar wakhti dhaw ah. Iran oo sodon sanadood cuno qabatayni saarnayd ayaynu aragnaa heerka ay gaadhay muxuu qabanayay isagu mudadaa isaga oo ahaa dalka dhoofiya Saliida ugu badan dunidu?

Waxay ku tartamayeen sida dalalka kale ee khaliijka: daarta ugu dheer dunida, madaarka ugu wayn dunida garoomada ugu quruxda badan baabuurta ugu qaalisan iwm. Waxaas oo dhan cidda keliya ee ka faaiidi jirtay waxay ahaayeen dalalka reer galbeed, maraykan iyo yurub. Xataa wadamada Muslinka ahaa ee dunida iska daaye kuwii carbeed ee hadii ay dhinaca dhaqaalaha ka caawin lahaayeen ka mid noqon kari lahaa quwadaha maanta ku hirdamaya gobolka waxba may tarin ee way u tumasho tegi jireen uun. Aakhirkiina waa la burburiyay sida Suuriya iyo Ciraaq iyo Liibya. Masar oo aynu xaalkeeda ognahay iyo Joordan ayaa ka sii taagan dalalkii safka hore ee Israaiil ay xadka leeyihiin ama ku dhawaa ee kulaakayay. Markaa maanta sua’aasha ugu muhiinsani waxay tahay Sucuudigu Yuhuuda iyo Iran kee buu u arkaa khatarta koobaad? Waa Iran ee maaha Yuhuuda wana suurtogal in aynu mustqbalka dhaw aragno Yuhuuda iyo Suniga carabta ee Bariga Dhexe gaar ahaan Sucuudiga oo iska xulafaysanaya Iran oo dhan uga soo wada jeeda.

Comments are closed